Monday, March 31, 2014

Maydh: Waxgarad Maamulka Kastamka Gobolka Sanaag ku eeddeeyay Musuqmaasuq


OdayadaMaydh (GNA) Madaxdhaqmeedka iyo Waayeelka magaalo xeebeeda maydh ayaa baaq xoogan kasoo saaray dakhliga kasoo xerooda Magaaladdaasi ee ku xerooda kastamka gobolka Sanaag ee Magaalo Ceergaabo, kaaso bay yiraahdeen aan xagayagana ku baaqan, khasnada dawladana aan gaadhin balse maamulaha Kastamka Gobolka Sanaag ahna isuduwaha wasaarada maaliyada Maxamed Jamac Bugaaxiye uu si dadban u leexsado.




Magaalo xeebeeda Maydh oo ah xeebaha gobolka Sanaag tan keliya ee Dawlada uga soo xeroodo dakhliga ayaa waxaa dhibaato xoogani ka taagan tahay mudooyinkanba inaan dakhligaasi soo gaadhin khasnada dawlada.




Cabashada waayeelka, waxgaradka iyo dadweynaha reer maydh ayaa ka dambaysay kadib markii ay ku war heleen inaan dakhligii kasoo xerooday degmada Maydh 80% aanu ku xeroon khasnada dawlada , Ayay  Maamulaha kastamka Gobolka Sanaag ahna Isuduwaha Wasaarada MaaliyadaMaxamed Jaamac Bugaaxiye ay waydiiyeen halka uu maray dakhligaasi waxana  isuduwuhu waayeelka ku qanciyey in gaadhi dhawaan Wasaarada Maaliyadu gobolka soo siisay uu lacagtaasi ku bixiyey islamarkaana gaadhiga uu sheegay inuu wasaarad dayn ahaan ugu soo qaaday oo uu lacagtaasi sitoos ah iyadoo aan khasnada dawlada sii marin ugu diray wasaarada si loogu bixiyo gaadhigaasi.




Waayeelka ayaa sida ay noo sheegeen waxa ay isuduwaha ka codsadeen inuu arintaasi u xaqiijiyo lana xidhiidhsiiyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada balse isuduwuhu taasi bedelkeedi si'uu u daboolo ama u cabsi geliyo bulshada waxa uu habeen hore gudoodi ku tegay Magaalada Maydh isla shalay subaxna waxa uu bulshada reer Maydh u sheegay in wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada lagu kordhiyey cashuurihii hore looga qaadi jirey boqolkiiba boqol 100%, taaso siweyn bulshadu uga soo horjeedasatay.




Madax dhaqameedka iyo waayeelka oo shir jaraa'id ay ku qabteen Magaalada Maydh waxay si'adag u canbaareyeen boobka iyo musuqmaasuqa aan xadka lahayn ee isuduwahani ku lunsaday hantidii umada taaso bay yiraahdeen ah mida xukuumadu wax noogu qaban lahayd degmooyinka kalena aanu kula tartami lahayn.




Waxaa kaloo waayeelka reer Maydh ay siweyn uga hadleen dakhliga kasoo xerooda Maydh oo ah bay yiraahdeen doonyaha yar yar ee kaluumaysiga in Wasiirka Maaliyada oo horeba aanu uga balanay in aanu anaguna dakhli soo xerayno isaguna uu wax noo qabto inaanu oofinay balankiisi balse dakhligii anagana naga yimi isagana aanu gaadhin oo halaq jidka u galay,




Iyagoona  Wasiirka ka codsadeen in uu odhad usoo dirsado kastamka lana dabagalo sadexdaa bilood ee u dambeeyey dakhligii xeebaha Maydh kasoo xerooday, tirada doonyaha iyo lacagta la sheegayo in ay khasnada gaadhay




Wayeelkani hoos ku saxeexan ee reer Maydh ay Wasiirka ka codsadeen inuu uga soo jawaabo tacriifada isuduwihiisu sheegay inay maydh gaar u tahay lana kordhiyey boqolkiiba boqol.




1- Colaad Siciid Caraale,




2-Jaamac Dhunkaal Cabdi




 3-Cali Maxamed Cabdi




4-Cabdi Maxamed Daamur




5- Guuleed Yuusuf Cabdi




6-Siciid Bare Maxamed




7-Sheikh Guuleed Cali Jaamac,




8-Chief Caaqil Cabdiqaadir Calqame "Ayax",




9-Chief Caaqil Saalax Maxamed Xirsi.