Thursday, March 27, 2014

Jinkii Xikmada Badnaa !!


Wadaad Soomaaliyeed ayay u yimaadeen lamaane is qaba, waa nin iyo xaaskiiye ninkii ayaa yidhi ''sheekhaw xaaskayga ayaa jirrane bal Quraan ku akhri.
Sheekhii quraankii isagoo ku akhriyaya gabadhii ayuu jin ka dhex hadlay gabadhii kuye ''SHEEKHAW WAAN KA BAXAYAA GABADHA LAKIIN SHURUUD BAAN KAGA BAXAYAA.
Sheekhii baa yidhi'' may shuruud la'aan ayaad kaga baxaysaa hadii kale quraanka ayaan kugu wadayaa.




Umuu joojin Quraankii ayuu ku sii waday sheekhii,jinkii ayaa yidhi markale dhagayso shuruudayda sheekhaw.
Sheekhii ayaa yidhi '' waa maxay shuruudaadu?
Jinkii ayaa yidhi '' intaan gabadha ka baxo ayaan ninkeeda galayaa.
Ninkii oo goorahaaba Sheekha iyo Jinka isku dhagaysanayay ayaa la soo booday ''Sheekh haka yeelin, haka yeelin Sheekh iyada haku jiree.
Sheekhii ayaa yidhi waxaas kaa yeeli maayo oo Quraankii ayuu ku sii waday jinkii.
Jinkii ayaa yidhi ''Sababta aan ninka ku galayo ma taqaanaa Sheekh''
Sheekhii : May
Jinkii:Sheekhaw ninkani maba tukado !




Ninkii baa yidhi ''Waa beentii Sheekh walahi anuu waan tukadaa'




Ninkuna marka horeba dadkan balwada leh ayuu ahaa oo way ka muuqatay.
Sheekhii ayaa ku yidhi jinkii '' Mar haday sidaas tahay gabadha ka bax oo gurIgooda hortiisa fadhiiso kadib ninkaasi haduu tukan waayo gal.
Jinkii wuxuu yidhi waayahay,oo sidii ayuu kaga baxay gabadhii.




Dhawr bilood kadib ayaa maalin lala soo hadlay ninkii wadaadka ahaa waxay ahayd gabadhii uu jinka ka saaray, markii Salaan la is dhaafsaday ayuu sheekhii ku yidhi ''kawaran ninkaagii ?
Gabadhii :Sheekhaw Ninkaygii Masaajidkaba isa-gaa furaba hada.




Maaha mala'awaal iyo waxaan maankayga ka sameeyay.
Waa sheeko dhab ah oo aan muuqaal ahaan ku daawaday wadaadkii ay ku dhacday.
waliba qaabka uu uga waramayay ayaan isku dayay intii karaan kayga ahayd inaan qoraal ahaan idinku soo gaadhsiiyo anoon isbadal iyo buunbuunin midna ku samayn.




 




Qalinkii:Maxamedshakir Siciid Cabdi (shakir).




Facebook.shakir.saed.9
Twitter:shakir_saed




Hargaysa.