Thursday, March 27, 2014

Jamaal Cali“Safarkii Madaxweynaha ee Gobolladu wuxuu ahaa Manjaro-habaabin”.


Boston (GNA) – Musharaxa madaxwayne-nimo ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa kaaf iyo kala dheeri ku tilmaamay mudada sanadka ah ee Madaxweyne Siilaanyo uga hadhay mudo xiliyeedkiisa Madaxweynenimo iyo mashaariicda balaadhan ee uu gobolada dalka ka dhagax dhigay.




Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inuu dersay dhaqaalaha ku baxaya mashaariicda uu madaxwaynuhu ku soo dhagax-dhigay socdaalkiisii u danbeeyey ee bari iyo galbeed oo uu tibaaxay inay ku baxayso lacag ka badan $500 Malyan oo dollar.




Jamaal waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu khadka telefoonka ku siiyey wargeyska  Haatuf isaga oo ku sugan Magaaladda Boston gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka, kaas oo sidoo kale jawaab kulul ka bixiyey eedo uu dhawaan u soo jeediyey wasiirul-dawlaha wasaaradda maaliyada Mr Cadaani, waxaanu ku tilmaamay masuul aan xogogaal u ahayn nidaamka loo maamulo dhaqaalaha loo ururiyey jidka Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, isaga oo ku celiyey mar kale inay xisbi ahaan taageersan yihiin wadadaasi balse ay diidan yihiin nidaamka ay xukuumaddu u wado dib u dhiska jidkaasi.




Ugu horayna isaga oo ka hadlaya socdaalka madaxwaynaha, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Socdaalka madaxwaynaha waxaan kala socday uun warbaahinta, madaxwaynuhu xaqbuu u leeyahay inuu goboladiisa iyo degmooyinka dalkiisa inuu booqdo oo uu soo eego xaalada nololeed ee bulshada uu hogaaminayo dhamaanteed oo anigu waxaaban leeyahay wuu raagay ee waxay ahayd inuu mar hore u baxo oo markii la doortay ee mudadiisa sharciyadu bilawga ahaydba inuu booqdo deegaanadaasi ayey ahayd oo imika mudo 4 sanadood ah ayuu talada dalka hayey Madaxwayne Siilaanyo oo sanad kaliya ayaaba imika uga hadhsan mudo xileedkiisii loo doortay.




Sida aan sheegayna waa wax fiican inuu madaxwayne dadkiisa booqdo, laakiin waxa naga yaabisay oo run ahaantii bulshadda Somaliland ka yaabisay in madaxwaynuhu meel alaala meeshuu tago-ba uu dhagax-dhigayey oo mashaariic aad u badan oo xad dhaaf ahna uu balan-qaaday.




Waxaynu ognahay in madaxwayne Siilaanyo wakhtigii uu guddoomiyaha Kulmiye ahaa ee uu mucaaridka ahaa in Madaxwayne Daahir Rayaale uu dhagax-dhigay warshadda sibidhka ee magaaladda Berbera, warshadaasi oo kaliya markii uu dhagax-dhigay qayladii iyo dhaliishii ka dhacday mucaaridka waatii aynu ogayn, markaa waxaanu anagu xisbi-mucaarid ahaan aanu u aragnaa in xukuumadani ay tii ka horaysay ay baro-dheertahay”.




Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya dhaqaalaha ku baxaya mashaariicda uu madaxwaynuhu socdaalkiisii u danbeeyey soo dhagax-dhigay, waxa uu yidhi “Maalin dhaw waanu soo bandhigi doonaaye madaxwayne Siilaanyo waxa uu dhagax-dhigay mashaariic ee dekadaha leh ee warshadaha leh ee wadooyinka leh ee wax walba leh markii aan xisaabiyey waxa ku baxaysa lacag ka badan 500 Milyan oo Doollar, markaa su’aasha is-waydiinta mudani waa in madaxwaynuhu mashaariicdaa inoo dhagax-dhigo waa wax fiicane xagee laga keenayaa lacagtaas Shanta-boqol ee malyan ee doolar ah? iyada oo waliba sanad kaliya u hadhay.




 




Run ahaantii caqli gal maaha in sanadkaa u hadhay lagu dhamaystiri karo dhamaan mashaariicdaasi ama rubuc ka mid ah. Hadii aynu xaqiiqada socdaalkaa madaxwaynaha is dul-taagno waxa uu noqonayaa uun kaanbayn, sababta oo ah madaxwaynuhu afartii sano ee hore muxuu u tagi waayey deegaanadaasi xeebta ku dhararan ilayn marka horeba dhul Somaliland ah ayuu ahaaye? Waxaan leeyahay safarkaasi waxa uu ahaa mid ummadda lagu majaro habaabinayo oo lagu qarinayo mushkiladaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira.




Markaa waxa muuqata uun in madaxwaynuhu safaro galo marka uu doonayo in xaqaa’iq jira la qarinayo, isla markaana iyada oo biyo la’aan iyo shaqo la’aani wadankii ka jirto maaha in meel walba dhagax la iska dhigo, waliba xili tahriibkii aynu ka caban jirnay ee tafaariiqda ahaa uu jumlad-jumlad yahay oo dhalinyaradii wadanku ay raxan-raxan dalka uga baxayso iyada oo quus ah. Waxaan arrimahaas ku soo koobayaa odhaahda odhanaysa Dhagax waa la dhigi karaa meelkasta laakiin dhamaystirka mashaariicdaaasi hawl iyo tacab badan iyo waliba wakhti ayuu u baahan yahay, safarka madaxwaynuhuna waa socdaal ku haboonaa wakhti hore inuu ka dhigo”.




Musharaxa UCID Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey sida uu u arko xiisada ka dhex-taagan wakhtigan Somaliland iyo Puntland ee laga cabsida qabo dagaalo inay ka dhex-qarxaan labada dhinac, waxa uu yidhi “Xisbi ahaan iyo shaqsi ahaanba qadiyada iyo xuduudaha Somaliland waanu taageersanahay oo xukuumadda waanu ku barbar taaganahay waxkasta oo lagu difaacayo qaranimadda lama taabtaanka ah ee dalka, laakiin waxa noo muuqata uun inaan laga baaraan-dagin uun socdaalkaasi oo waxay ahayd in ciidankeenu inuu marka horeba sii tago deegaanadaasi oo ay nabad-galyada ka sii shaqeeyaan ilayn waa dhul Somaliland ahe.mida kale waxa nala quruxbadnayd in madaxwaynuhu intaanu reer Laas-qoray u dhagax-dhigin mashaariicdaasi inuu dhagax-dhigo dhismaha dawladda ee maamulka xukuumadu ku shaqayn lahaa oo aan hore uga jirin deegaanadaasi.




Ta kale ee ah hanjabaada madaxwaynaha Puntland waxa aan ka odhan lahaa uun inaanu ku degdegin dagaal sababta oo ah dagaal wiil ayuun baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho dhulkaas uu sheeganayaana waa dhul Somaliland ah oo dunida oo dhami ogtahay markaa waxaa odhan lahaa madaxwaynaha Puntland nabadgalyada mandaqada aynu ka wada shaqayno”.




Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey eedo uu dhawaan u soo jeediyey wasiirul-dawlaha maaliyadu Mr Cadaani, waxa uu yidhi “Horta anagu xisbi ahaan hore waxa aanu u sheegnay inaanu dhismaha waddada Ceerigaabo inaanu taageersanahay laakiin qaabka loo wado ee wax u socdaan ayaanaan taageersanayn, ninka halkaasi ka hadlay ee wasiirka ahna oo aanu si fiican isku garanayno oo aanu dalkan Maraykanka ku wada noolayna ma jecli inaan dhaliilo halkan uga jeediyo laakiin hadalkiisaasi waxa uu iila muuqday uun hadalo ku taxaluqa guul-wadaynta inta badan looga bartay. Hantidhawrkan uu leeyahay Jamaal baa yidhi ha la saaro oo kharashna lama isticmaalin oo Jamaal Cali Xuseen waxba ma oga, waxaan aaminsahay inaan arrimahaasi aniga oo aan xukuumadda ka tirsanayn inaan ka xogogaalsanahay sababta oo ah maalintii uu wasiirkaasi lahaa lacagtii lama kharash-garaynin waa tii maalintii ku xigtay cagaf-yadii la soo iibiyey la soo bandhigay, markaa isaga oo aan ogayn in cagafyadaasi lacagtii la hayey lagu soo iibiyey  inuu hadana aniga igula gal-gasho guul-wadayntu may fiicnayn, isla markaana kaayaga aan waxba ogayn bulshadda ayaan u daynayaa inay ka jawaabto. Ninkaas wasiirka ahna anaga wax xumaan ahi nagama dhaxayso oo isma-hayno laakiin madaxda ka saraysa ayuun baanu anagu tartamaynaa oo isaga dhaqanka lagu yaqaano ee guul-wadaynta ah ayaan ognahay oo waxba odhan maayo”.




Mar wax laga waydiiyey ujeedada uu salka ku hayo socdaalkiisa uu wakhtigan ku joogo dalka Maraykanka, waxa uu yidhi “Socdaalkaygani waxa uu la xidhiidhaa arrimaha qaranka iyo kuwa xisbiga iyo kuwa aniga ii gaar ahba oo Faamili ahba wuu iskugu jiraa.




Meelkasta oo aan dunida ka tago-na waxa ugu horaysa ee aanu ka hadalno ama aanu bulshada caalamka ka iibinaana waa qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo u baahan in dunida loo bandhigo, markaa Alxamdulilaah hawlahaasi si fiican ayey iigu qabsoomeen intii aan joogay waxa ii hadhayna Insha Allaah waxaan ku dhamaystiri doonaa mudado ilaa saddex todobaad ah oo aan sii joogi doono halkan, marka  danbena waxa aan sii mari doona dalka Ingiriiska oo aan ku sii horayn doono intaanan dalkeenii hooyo imanin Insha Allaah”.