Thursday, March 27, 2014

Cadaalad Darada Hay’adda Shaqaalaha Ayaa Abuurta Niyad Jabka Aqoonyahanka.


Xukuummadda Axmed Siilanyo  waxay qaaday tallaabo fiican oo dhiirigelin lahayd, markii ay soo saartay in jagada Mareeyaha Hayadda Korontoda bulshadu tartan u gasho oo aan weligeed dhicin.




Arinkani wuxu fursad siiyay  aqoon yahano badan, oo ciil la jiifay oo shaqooyinkii ay qaban lahaayen laga buuxiyay aqoonlawayaal odayaal hogaaminyaan.




In jagooyinka qaar tartan laga dhigo si loo helo aqoonyahano karti iyo aragtiba leh ayaa qaranka iyo shacbiga dan ugu jirtaa. Waxay arintani soo noolaysay in cilmigu xagga dawladda ka noqdo wax qiimo leh. Waayo marhaddaanu qofna aqoontiisa shaqo sare ku helayn waxa jmanaya niyadjab aqooneed.




 




Waxay ahahayd in agaasime waaaxyeeda oo dhan tartan noocan loo sameeyo, si loo dhiirigeliyo aqoonta.   Waxaase iyan meesha taalla sida tartanaaksi uu u noqon karo mid si daacadnimo ah loo galo.




Wershadda laydhka Hargeysa , waxaan ka mid ahaa dadkii ka qayb galay imtixaankii hasae yeeshe anigu kumaan soo bixin short liska, waxase ku soo baxay dad aqoonyahno dalkan iyo dadkan muddo ku soo dhexjiray oo wax badan ka tari lahaa hawshaasi.




Laakiin cadaalad daradii ay waday hay’adda shaqaalaha ayaa siisay nin ay xambaarsanayd oo aan dalkan iyo dadkan waxba kala socon 30 sanona ka maqnaa, kaasi oo maanta ku jahawareeray , shaqadiinaa aan waxba ka bedelin wax hoos u dhaca oo ku yimaadda mooyee.




Waxa keliya ee uu sameeeyay waa inuu isu qoray mushahar xad dhaaf oo aanu ka helin weligii dalkii ingriiska ee uu ka shaqaysan kari waayay.




Ninkan oo si toos uu u taagerayay Nuux gudoomyiha Hay’adda shaqaalaha waxa loo baabiyay daraadii imtaaxin hore oo la qaaday oo uu isagu ka maqnaaday ka dib markii uu kenii waayay shahaadooyinkiisa asalka ahaa.




Dadkii Imtixaanka ka qayb galay waxay u badnayaayeen 8 qof oo dalkan wax u qaban lahaa dhamaantood dalka iyo dalalka jaarka wax ku bartay oo ahayn kuwan Yurub ku fashilmay ee lacag doonka ah. Haddana waxa jagadii la siiyay qofkii keliya aha aka yimi dalka Ingriiska.  Shaqaalaha korontada ayaa cadeeyay in iyadoon imtixaanba la gelin la sii sheegaya in ninkan la keenayo.




Haddii la doonayo in dalkan iyo dadkan waxa loo qabto xataa afartii aqoonyahan ee isugu soo hadhay imtixaankii adkaa ee aan weligii hay’adu qaadin ayaa tixgelin la siin lahaa oo liiska hanti ummadani leedahay laga dhigi lahaa. Iyadoo halkasi lafteed ay cadaalad xumo weyni ka dhacday oo ka laga dhigay ku xigeenka mareeyayah uu xoog iyo jujuub ku galay isagoo soo kaxaystay dad xoog ku saaray Nuux in lagu sheego inuu kii numberka labaad galay isagoon warqadii anatiijadana aan ahayn kan labaad, haddana waa aoon yahan cilmi leh marba hadii uu ka mid noqday afartii ugu danbeeyay ee cadaalada lagu tuntay ayaan ujeeda.




Mid ka mid ah aqoonyahnadaasi dayacmay ayaa maanta shaqo wanaagsan ka helay dalka Sudan hay’ada ka shaqaysa isagoo weliba imtixaan u galay, xoogiisii iyo fikirkiisiina wuxu gelinaya dal iyo dad aanu dhalasho ahaan ka soo jeedin, ka dib markii si fudud loo dayacay aqoontiis iyadoo cadaaladdii daradii ay keentay in laga faa’idaysan waayo, halkiisiina ay galaan kuwo aan aqoon ay dunida kaga shaqaystaan baran.




Xukuummadad waxaan usoo jeedin lahaa kuwa ka imanaya dalalka Yurub in aanay shaqo dalka laga siin haddii aanay ahayn mid aan isaga looga maarmayn (Unique) waayo haddii uu shaqo rabo wuxu ka helayaa fursado ka banana dalka uu degan yahay. 




Nabadgelyo




Qore: Maxamed M. C/laahi




 




Email:mm112@hotmail.com




Hargeysa/Somaliland