Thursday, March 27, 2014

Mourinho: Ibrahimovic Ma Ahan Wiil Xun, Waa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican.


1207180-25209556-640-360Jose Mourinho ayaa u sheegay Yahoo-Eurosport in Zlatan Ibrahimovic uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican ee uu abid tababare u noqday, waxaana uu sheegay inuusan fahamsaneyn marka weeraryahanka PSG lagu tilmaamo nin xun.




 




Ibrahimovic ayaa hal xilli ciyaareed ka soo hoos ciyaaray Mourinho markii uu joogay Inter Milan waxaana uu la qaaday Serie A xilli ciyaareedkii 2008-09, waxaana uu ka horimaan doonaa tababarihiisa hore isbuuca soo socda marka Chelsea ay booqato PSG lugta hore ee wareega 8da Champions League.




 




Mourinho ayaana amaanay Ibrahimovic isagoo wax laga weydiiyay sida ay aheyd inuu la shaqeeyo Ibrahimovic, waxaana uu ku jawaabay: “Waa ay sahlaneyd. Ma fahamsani marka ay dadku leeyihiin waa nin ay adag tahay in lala shaqeeyo ama waxa uu leeyahay dabeecad adag.




 




“Waa dabeecad adag wa amarka aad la shaqeyneyso qof aan dooneynin inuu badiyo ama aan dooneynin inuu horumar sameeyo. Marka aad heysato qof guusha u saaxiib ah islamarkaana doonaya inuu badiyo mar walba oo aan wax cabsi ah ka qabin inuu mas’uuliyad weyn dusha saarto, waxaan qabaa inay aad u sahlan tahay in lala shaqeeyo.




 




“Waxaan kaliya tababare u noqdo muddo sanno ah laakiin waxa ay aheyd sannad aad u fiican, sannad aan qibrad fiican la qaatay, waxaana ku qiimeyaa ciyaartoydii ugu fiicneyd ee aan abid macalin u soo noqday.”