Saturday, March 29, 2014

Falanqeynta Caawa: Arsenal vs Man City,Wenger oo raadinaya guushii ugu horeysay 23 bilood kadib ee uu ka gaadho Man City


Kulanka: Arsenal v Man City




Garoonka: Emirates Stadium




Waqtiga: 8:30pm Fiidnimo




Kooxda Arsenal ayaa dooneysa inay kasoo kabsato dhibaato weyn oo kooxdan rajadeeda horyaalka hoos u dhigtay waxaana kulankan ay muujin kartaa cadaadiska inay iska dulqaado.




Arsen Wenger ayaa guul daro kala kulmay labadisii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka kadib guul daradii 6-0 Chelsea iyo barbarihii kooxda hoose ee Swansea.




Arsenal waxaa ka dhawacan, Laurent Koscielny,Aaron Ramsey,Nacho Monreal,Jack Wilshere,Walcott,Diaby iyo Ozil.




Manchester City waxaa ka dhawac ah,Nastasic iyo Aguero oo kaliya.




Waxyaabaha ka cusub ciyaartan,




Manchester City ayaa heli doonta kubad sameeyaheeda David Silva kaas oo shaki badan la galinayay inuu ciyaaro kulankan Arsenal,lakiin waxaa wali maqnaan dhaliyaha kooxdan Sergio Aguero.




Tababaraha kooxda Blues Manuel Pellegrini ayaa sheegay in Silva uu noqon doonaa mid laga soo daro safkla hore kadib shirkisii ja,raid ee ciyaarta ka hor.




Aguero ayaa dhanka kale wali la tacaalaya dhibaato ka soo gaartay ciyaarii 12 march ay ku wajaheen Champion League kooxda Barcelona.




Pellegrini ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Argentina uu kusoo laaban doono kooxda City ciyaarta kooxda Southampton ee 5 April.




Xaqiiqooyinka kulankan.




Waxaa jiray lix kaararka cas ah oo toddobada kulan ee ugu danbeysay Premier League ee u dhexeeya Man ??City iyo Arsenal la dhiibo Shan ka mid ah waxaa la dhiibay sadexdii kulan ee ugu dambeysay ee garoonka Emirates.




Manchester City ayaa dhalisay lix gool kulankii ugu dambeyay kadib todobo darbo oo halis ah oo lagu tuuray goolka Arsenal ciyaartii 6-3 kusoo dhamaatay Etihad Stadium December 2013 kii.




Waxaa jiray afar gool oo ka dhashay shantii ciyaar ee ugu dambeeyay ee labadan koox ay ku ciyaraan garoonka garoonka Emirates Stadium tartamada oo dhan.




booqashadii Emirates ee xilli ciyaareedkii hore ayaa soo afjartay 27 kulan oo horyaalka ah oo Man City anay ku guuleysan guriga Arsenal waxaana ay kasoo heshay 8 bar baro iyo 19 guul daro.




Arsenal ayaa badisay kaliya seddex kulan oo ka mid ah sagaal kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League waxaana ay uruursatay (3 guul daro,3 guul iyo 3 bar baro).




Man City ayaa ah kooxda ugu badan ee xagaagan darbada ugu badan ka tuurrtay kooxaha kasoo horjeeda  Premier League (20 boqolkiiba ayeyna gaarayaan).




Olivier Giroud ayaa dhaliyay shan gool sadexdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku ciyaaro Emirates tartamada oo dhan.




Manchester City ayaa shantii ciyaar ee ugu dambeysay shaqbaqeeda difaacatay waana markii ugu horeysay oo ay sidaan sameytso tan iyo 1915 waligedna ma difacan shabaqeeda lix kulan oo xiriir ah hadii caawa ay sameysana waa arin cusub.




Yaya Toure ayaa u dhaliyay 12 gool kooxdiisa 15 kii kulan ee u dambeysay Premier League ee uu u ciyaaray kooxdisa.




Edin Dzeko ayaa dhaliyay lix gool todobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee lagusoo bilaabay.




Ka hor xili ciyaaredkii 2006-2007 Manchester City waxaa la lahaa uma suurta gasho maruun inay garaacdo Arsenal waxaana ay kulmeen 18 kulan Arsenal ayaana waqtigaasi 17 ka mid ah badisay.




Arsenal ayaa guul daro la.aan ah 14 ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda ku ciyaartay Primer League.




Arsenal ayaa guul ay ka gaarto kooxda Man City waxaa ugu 8 April 2012 markaas oo 10 ciyaaryahan oo Man City ay kaga badiyeen gool uu Mikel Arteta.




City ayaa kujirta booska sadexaad waxay leedahay 66 dhibcood iyada oo sadex dhibcood ka dambeysa Chelsea oo hogaanka heysa lakiin labo kulan ayey gacanta ku heysataa kooxda Man City.




Tan iyo guuldaradii Chelsea gurigooda ku gaarsiiyay, City laga badin horyaalka, waxaana sadexdii kulkan ee ugu dambeysay ay dhalisay 10 gool oo ay kujiraan sadexdii goo lee Old Trafford.




Edin Dzeko ayaa xajisan doona booskiisa weerarka isaga kaga wanaagsan Alvaro Negredo wuxuuna dhaliyay labo gool kulankii Manchester Derby ee Isbuucii hore.




Safka hore ee macquulka ah.




Arsenal (4-2-3-1): Szczesny; Sagna, Mertesacker, Vermaelen, Gibbs; Arteta, Flamini; Chamberlain, Cazorla, Podolski; Giroud.




Man City (4-2-3-1): Hart, Kalorov, Kompany, Demichelis, Zabaleta; Toure, Fernandinho; Nasri, Silva, Navas; Dzeko.