Friday, March 28, 2014

Shirkada Kalluumaysiga Ee Pontus Marin Oo Markii 2aad Kulan La Yeelatay Ganacsatada Iyo Waxgaradka Boorama


PontusBORAMA-(GNA)-Masuuliyiin ka socotay Shirkada kaluumaysiga ee laga leeyahay Somaliland ee magaceeda la yidhaa Pontus Marin ayaa markii labaad waxay kulan balaadhan kula qaateen Hutelka Rays ee magaalada Boorama, Kulanka ayaa waxa ka soo qaybgalay Ganacsatada Waaweyn ee Gobolka, kuwaas oo iskugu jiray Ganacsatada Sare iyo kuwa heerka dhexe, Masuuliyiinta ka socotay Shirkada Kaluumaysiga ee Pontus Marin ayaa waxay sharaxaad ka bixiyeen qaabka ay u dhisan tahay Shirkadu iyo saamiyadeed, waxa kale oo ay Iftiimiyeen habka iyo nidaamka ganacsaduhu uGu biirsan karo Sheerkiisa, isla markaana uga mid noqonayo ganacsatada iyo dadka saamiga ku leh Shirkadan.




Axmed C/shakuur oo isagu ka socday shirkada ayaa ka waramay qorshaha ganacsi iyo halka ay hiigsanayso shirkadu wuxuuna u sharaxay ka soo qaybgalayaashii kulankan sida shirkadu u danaynayso in dadka Somaliland gobol walba ka muuqdo ka mid noqoshada Saamilayda Shirkada, taas ayaanan markii labaad iyo marar kalaba uGu soo noqon doonaa Gobolada Awdal iyo Salal, Wuxuu intaas raaciyay in shirkadu dhawaan bilaabi doonto hawlaheeda ganacsi ee kaluunka xeebaha Somaliland, isla markaan ay qorshaynayaan in xooga saaraan in kaluunka ay soo saarto shirkadu ay u iibgeyn doonto wadamada dibada siiba Khaliijka iyo Shiinaha ayaan xooga saari doonaa iyo wadamada deriska ah, wuxuu intasa raaciyay in shirkadan Pontus Marin laga diiwaangeshay Uk iyo meelo kale oo wadamada Horumaray ah ayna haysato Liisan caalami ah, waxaanan Abuuri doonaa ayuu yidhi Shaqo Abuur siba dhalinayarada iyo dadka waxyaqaan.




Gansatada G/Awdal iyo Aqoonyahankii iyo Madaxdii dhaqanka ee ka soo qaybgalay ayaa soo dhaweeyay qorshaha shirkada Pontus Marin ee ku saabsan ka ganacsiga Kaluumaysiga dalka iyo sidii shirkadu u noqon lahayd mid caalami ah sida la xusay, Prof Maxamed Madar ayaa isagu ku booriyay Shirkada in dedaalkooda ay sii wadaan, isla markaana reer Awdal kaalin mug leh ay ka geli doonaan, Suldaan Sulaymaan Cali, Suldaan Ibraahim Jamaac iyo Suldaan C/raxmaan Dhawal ayaa iyaguna u soo jeediyay ganacsatada G/Awdal inay ka qaybqaataan horumarka bilaabmay, isla markaana ay horsed ka noqdaan ka qaybqaadashada ilaha dhaqaalaha ee kaluumaysigu u hreeyo ee ay wadaan shirkada Pontus Marin, waxaanay xuseeen in dhawaan M/weynaha Somaliland safarkiisii uu dhagaxdhigay Dekeda Lughaya taasina ay sii dhiirigelinayso in dadka reer Awdal ka qaybqaataan wax soo saarka dhanka Badaha, sidoo kale waxay tilmaameen in Jaamacadda camud Gudoomiyaheedu sheegay in Lughaya ay ka furayaan Kuliyada Kaluumaysiga taas oo dadka baraysa sida loola soo baxo Khayraadka Bada.




Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa ku dhamaaday in shirkada Pontus Marin laga codsado in wakhti kooban gudaheed ay dib ugu soo laabtaan Boorama, isla markaana waxaa is qoray dad badan oo iyagu sheegay inay ku biiri doonaan saamilayda Shirkada, ka dib markii xubnaha ka socday shirkadu u qaybiyeen qoraalo faahfaahin ka bixinaya shuruudaha qofka looga baahan yahay iyo sharciyada shirkadu ku dhisan tahay.”




Gobanimo news




Borama-office




Haashim Sh/Cumar Goth