Monday, March 31, 2014

Somaliland: Doorashooyin is-gaadhay!


Ma Komishanka,Ma Wakiilada mise waxaynu  Soo horaysiinaa doorashadii Madaxweynaha?by: Xuseen Badmaax.



Somaliland waxa iyana dhinacooda ka wiiqay doora-shooyinkan isdaba taxan ee aan dhaqaalana loo hayn sida ay xukuumadu tidhaa,dadkuna aanay weli u bislaan.Waana dhibaato taagan oo u baahan in xal loo helo,shacabkana lagu wacyi geliyo hawlahooda oo si deggan u socda inay codeeyaan,lagana baxo ololayaasha waalida huwan.



Aan taabto halkuu qalinku tebayo,maanta waxa innagu soo fool leh:



1.Komishanka oo waqtigoodu ku egyahay bisha Sept 2014.



2.Wakiilada oo iyana waqtigu kaga dhanyahay isla Sept 2014.



3.Doorashadii Madaxweynaha oo iyana la filayo June 2015.



Intaba waxa ka horaysa in dalka laga sameeyo diiwaan-gelin,



Si loo qabto 3daa doorasho ee taxanaha ah.Welina ma ogin waqtiga ay xukuumadu bilaabi doonto diiwaan-gelinta.



Hadaba ayaan darrada jirtaa waxay tahay xukuumadii loo igmaday inay hawlahan sidooda u fuliso waynu aragnaayoo waxaabay ka dhamaan la’adahay:



a)Qabashada Shirweynahii Kulmiye.



b)Olole ay xukuumadu ku muujinayso waxqabad-keeda,lana ogayn



ula jeedada ka dambaysa,balse male-awaalka shacabku ku



  tilmaa-mayo muddo kordhin muddada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.



Mar hadii ay arrimahani ku jiraan mad-madaw waxa aan soo jeedinayaa:



1.Diiwaan-gelinta in la bilaabo bisha April,lana dhamaystiro July   2014.



 



2.Komishan cusub la magacaabo 25-30July 2014.



 



3.Qaabka xulidana la bedelo,loona daayo 3da xisbi qaran ee



 



    tartamaya,xisbi waliba 3xubnood keeno,tiraduna komishankana



 



    ay noqoto 9xubnood.



 



 Marka 2daa arrin la dhamays tiro waxaynu uga gudbi karnaa diyaarinta doorashadii wakiilada oo iyana aynu qaban karno bisha December 2014.Wakiilada cusub waxa la dhaarin karaa,qabsana karaan fadhigooda ugu horeeya 20-30January 2015.Haday taasina sidaa inoogu suurta gasho,waqti wanaagsan ayaynu haysanaa oo aynu ku qabsan karno doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku beegan bisha June 2015.



Horta doorashooyinka innagu soo fool leh ee la filayo xukuumadu inay diyaariso waxan rumaysanahay inaynu sidooda u qaban karno balse wax-yaabaha hada xukuumada ka muuqda lama garanayo inay diyaar u tahay iyo inay hoombro libaax soo wado oo ay muddo kordhin diyaarinayso.



Waxa taa garab taal oo ay arrimahaasi inoogu qabsoomi karaan waa dhaqaale.Markaynu xukuumada arragti-deeda eegnana waxay xadhig uga dhigtaa doorashooyinka in dhaqaale laga raadiyo reer galbeedka.Hadaynu dib u xasuusano heerkan maanta aynu marayno ku soo gaadhnay waxay ahaayeen ismaqal,kala danbayn,wada-tashi iyo waxii dhaqaale ah ee faraqeena ku jira inaynu u hurro.



Waxa hadaba lama huraan ah inay xukuumadu ku xisaabtanto waxa faraqeeda ku jira iyo sharkadaha wadaniga ah oo iyana ka qayb qaata dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka afka innaga saaran innaga oo aan isu kala saarin muxaafid iyo mucaarid.



Waxa aan ku soo afjarayaa hawlahii doorashada ayaa inna sugaya,waqtina inooma hadhin,markaa kulmiye waa shirkiisa muddo dhaafka ah soo afjaraa oo uu dhakhso u qabsado.Xukuumadana waxa ku waajib ah oo shacabku dhegta u taagayaa tallow ma kumishanka ayay qaban,ma doorashada wakiilada ayay qaban mise doorashada madaxtinimada dalka ayay soo horaysiin.



Xuseen Xasan Badmaax



Hargeysa/JSL