Thursday, March 27, 2014

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo maanta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho


Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda, ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ilaa 8 nin, oo si dhow loola xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.




 




shabaab rag




Raggaan, ayaa shan ka mid ah laga soo qab qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli ay siyaabooyin kala gedisan uga amba bixi rabeen, waxayna ku sii jeedeen Gobolada dalka qaarkood iyo Deegaanada Somali Galbeed.




 




3-da nin ee kale, ayaa laga soo qab qabtay Degmooyinka Gobolka Banaadir, xilli ay ku guda jireen sida la sheegay falal ka baxsan ammaanka, ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.




 




Nabad Suggida waxay sheegtay in ragga la soo qab qabtay ay qaarkood doonayeen in ay ka baxsadaan Magaalada Muqdisho, lana soo qabtay xilli ay baxsad ahaayeen.




 




Nabad Suggida waxay si joogto ah Magaalada Muqdisho ugu soo bandhigtaa ragga taabacsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo lagu soo qab qabanaayo hawlgalada, ay laamaha ammaanka ka sameynayaan Caasimada.