Saturday, March 29, 2014

Cupka Dhalinta Cuslaatay: Kooxda Xidigaha Goljano Oo (Penelties)3-2 Ku Jiidhay Kooxda Telesom, Una Baxday Final


goljano xidigaha




 




Ciyaar aad u xiiso badan oo shalay galab ku dhex martay garoonka Jig-jiga yar labada kooxood ee Goljano iyo Telesom ayaa ahayd mid aad dadkii daawanaayey ay ula dhaceen kadib markii ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen kubad aad u macaan oo xamaasad sare leh. Waxaana ay ciyaartu ku dhammaatay labadii haaf ba mid la is mari waayay oo aan wax goolal la iska dhalin.




Si kastaba ha ahaatee ciyaartan oo ahayd semi final ayaa waxa loo dhigay rigoodheyaal labada dhinacba halkaas oo kooxda xidigaha goljano ay dhaliyeen saddex gool shantii gool ku laag ee ay lahaayeen iyada oo laba laga qabtay.




Halka kooxda telesom ay dhaliyeen laba gool, saddex na laga qabtay, sidaasna ay final ku tageen kooxda goljano cupka dhalinta cuslaatay loogu magac daray ee ka socday garoonka jigjiga yar.