Wednesday, March 26, 2014

Dawladda Somalia Iyo Al-shabaab Oo ka Hadlay Khasaaraha ka Dhashay Dagaalkii Galgaduud


Saraakiisha Dowladda iyo Al-Shabaab oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa ee Galgaduud ku dhexmaray




 




marka4




 




Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Galgaduud iyo Al-shabaab ayaa ka kala hadlay dagaalo culus oo shalay ka dhacay deegaanka Ceelqooxle ee Gobalka Galgaduud, halkaasi oo ciidamada huwanta iyo kuwa Shabaab ay ku dagaalameen.




 




Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Galgaduud Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame oo waraysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya dagaalkii shalay kula galeen ciidamada Shabaab duleedka Ceelqooxle ay kaga dileen askar badan.




 




Wuxuu sheegay inay dileen askar Shabaab oo gaareysa ilaa 11 dagaalyahano, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada huwanta dagaalkii ay kula galeen Shabaab Gobalkaasi ay ku geeriyoodeen askartaasi.




 




Dhanka kale afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa usheegay Warbaahinta in dagaalkii ka dhacay shalay deegaanka Ceelqooxle ay jab xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.




 




Abuu Muscab, ayaa sheegay in ciidamada Shabaab ay dib uriixeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda oo ay geeyeen duleedka Ceel lahelay, iyadoo uu xusay in dagaalka uu ka dhacay inta udhaxeysa Ceelqooxle iyo Ceel lahelay.




 




Majirto ilo ka madaxbanaan labada dhinac oo xaqiijinaysa khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Gobalka Galgaduud.




 




Xaalada deeganada Hoostaga Degmada Ceelbuur ayaa degan, waxaana suuragal ah in saacad waliba ciidamada huwanta ay dagaal culus ku qaadaan Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.