Saturday, March 29, 2014

Mooshin ka dhan ah Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga oo loo gudbiyay guddoonka Sare ee Baarlamaanka


Muqdisho(GNA)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga u gudbiyay gudoonka Sare ee Baalamaanka, sida uu Maanta xaqiijiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.




Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Cabdi-Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaano gaaraya 15-Xildhibaan waxa ay codsadeen in ay horyimaadaan Baarlamaanka si wax looga weydooyo Amniga dalka iyo Maamul u sameynta gobolada, ayadoona warqad ay saxiixeen Xildhibaanadaasi gaaraya 15-ka Xildhibaan loo gudbiyay gudoonka Sare ee Baarlamaanka, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha Baarlamaanka.




Hadalkan ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka sheegay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho kaa oo Xildhibaanada loogu qeybiyay Miisaaniyada Xukuumadda ee Sanada 2014—2015.