Monday, March 31, 2014

Mid ka mida Ayax Hargeysa socod ku sii maray oo ka xog waramay Ujeedada Safarkooda.


Hargaysa  (GNA) Iyadoo Maalintii doraad magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland uu ku Habsaday Ayax Farabadan oo Guutoguuto u Soconaya uu Duufaan ku Miray Dhamaanba Dhirta Doogan ee uu Ubax U Arko Ayaa Sidoo Kale la sheegay in uu U Gudbay Dhankaas Iyo Dalka  itoobiya Isagoo Sidoo Kale Sheegay inuu Dhowaan ku Soo Laabanayo Somaliland.




Ayax Lab oo Dhaawac kazoo gaadhay dhinaca Lugta Midig Isla Markaana Lagu Daawaynayo Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargaysa ayaa ka warbixiyay Sidii Ay Wax ugu Dhaceen,Meesha Ay ka yimaadeen iyo Ujeedada Safarkooda oo uu ku Sheegay Mid Nabaadguurka ku Sal Lahaa Isla Markaana Ay ku Doonayeen Saamigoodii Oo Ay Ka Waayeen Xukuumadan Talada Dalka Haysa Maadaama Ay yihiin Beel Aad u fara Badan oo Waxna Yeeli Karta Xukuumada Waxna Tari Karta.




Ayaxan Dhaawaca lagu waraystay ayaa Waxaa ay Su’aalo kala duwan isku Maqiiqeen Weriye ay markaasi isku barteen halkaasi waxaana uu halkaasi ku siiyay xog waran dheer oo dhinacyo kala duwan daaranaa




Ugu Horeyn Waxaanu Ku Waydiinay Xagee Ayaad Ka Timaadeen Ayaxoow?




Waxaanu ka nimi dalalka carabta oo aad noo cuna hilib ahaana noo shiisha waxaanuna maqalnay dalka Somaliland nabad ayaa Jirta,Cid Kastaana ku Nabad gasho waxaana Jooga Beeldaajiye Naloo Sheegay Inaan Cidi Ku Ag Qadin,




Oo Maxaad Dhulalka kale Ee Afrika U Tagi Waydeen?




Nabada Taala Tan Ayaa nooga wanaagsan inaan meelo kale u Dhuyaalno maxaa yeelay Nabada Macaankeeda Waa la wada garanayaa




Markaas Hada Ma Somaliland Ayaad Doorbideen Inaad Xamaamadiina U Soo Gurataan?




Haayoo Somaliland Ma Laha Diyaaradaha Ayaxa Lagu Buufiyo Ama Looga Hortago Dhagax,Daasado Iyo Waxyaabo Kalena Anaga Waxba nagama Qaadaan,Suntana Hadalkeedaba Daa oo Jabuuti Ayaaba Ugu Dhow?




Fadhigiinu Iminka Waa Halkee Ayaxoow?




Fadhigayagii ugu horeeyey waxaanu kusoo degnay Xeebaha Somaliland oo aan mudo Fadhinay Waxaana Halkaas Nagu soo maray Madaxweynaha,Waxaana aanu kusoo dhoweynay Caleemo Qalalan oo aanu Diiranay,intaas ka Bacdina Boqorkayaga ayaa nagu amray inaanu meeshan ka dhuyaalno.




Oo Hada Tiradiinu Waa Imisa?




Tiradayada hada waxaa aanu nahay 3 milyan




Imisaa La idinka Dilay,Imisaa Dhaawac Idinka Ah Maxaase Ayaxoow Nolol La Idinkaga qabtay ?




 




Garan maayee  waxaa kolay la ii sheegay in laba boqol ay shinbiro naga dileen,tira kalena dhaawac ayay ahayd waxaana nolol lagu qabtay aniga oo keliya oo idiin waramaya




Xilkaad U Haysay Ayaxa Muxuu Ahaa Adiga,Dakhligase Xagaad Ka Keentaan Aad Qaabilsan Tahay ?




Waxaan Ahaa Aniga U Qaybsanaha Maaliyada ee Dhamaanba Ayaxaas Soo Duulay,Dakhligana waxaanu ka keenaa Hadba meeshii Naq Leh Anaguna Kayd Ma Lihinba Markiiba Wixii Soo Baxa Dakhli Dalag Ah Waa La Budliyaa Aniguna Qalinkaan ku duugaa,Hadhaagana Lama Muujiyo.




Hada Maxaad Hargaysa Kasoo Doonteen Ayaxoow Bal arintaas Noo Yara Iftiimi?




Walaal Horta Hargaysa dee Waa Caasimadii Dalkaanu soo Aadnay Waxaana Haboon In La Fahmo Inaanu taraag Ku Ahayn Oo Xataa Dhal iyo Ugxan Maanu Dhigan Maxaa Yeelay Waxaanu doonaynaa Inaanu Kasoo Laabano Itoobiya oo Aanu iyada Ka Cabsi Qabno Maadaama Ay Leedahay Diyaaradaha Sunta buufiya,Horena u Gudbi Maynee Waxaanu Yare Ruugaynaa Kililka Shanaad Si Aanu U Soo Laabano ?




Hadalkaagaas Waxbaa Iiga Biniixaye Waa Halkee Meeshaad Leedahay Waanu Kusoo Laabanaynaa Miyaanad Na Dhaafin Anaga ?




Dee Waa Somaliland Iyo Hargaysa oo aanu ka Maqnaanayno inta uu Bilaabmayo Shirka Xisbiga kulmiye oo in badan dib loo dhigdhigay,Waxaana aanu filaynaa inaanu maadaama aanu badanahay Wax ku Kordhin Doono.




Calaashaan Sidee Wax Ugu Kordhinaysaan Idinka Ma Cidbaa Cod Idiinka Baahan Ayaxoow?




Oo Walaal qaar badan oo aan Cod iyo Cid lahayn ayaa meelo Muhiim Ah Joogee anaga xagaad Noola Yaabaysaa Wadamo Carbeed Ayaanuba Ka Nimiyoo Waanu Nimcaysanahaye Ta Kale Dee Walaahay Waxaanu Degaynaa Deegaankayagii La Odhan Jiray AYAXA oo Xukuumadana Saamigayagii Ayaanu Ka Doonaynaa ?




Waayahay Waxaad Ka Warantaa Heestii Jaamac Riyo Qaaday Ma Waxay ahayd Mid uu Idiinku Yeedhayay Mise Xidhiidh KJale Ayaa idinka Dhexeeya ?




Waar Ninkaas Iga Daayoo Wuu Iska Hadloo Kolay Waa Dhadhamaan Filayaaye,Isagaaba Anaga naga Waalan Shalay Waa Amaanayay Baa La Yidhi Kan uu Maanta Caayayee




Waxaan Ku Waydiiyay Adigu Imisa jirbaad Tahay Horta Goormaadse Dhalatay Ayaxoow?




Waar Suaal Badanidaa Waanu Gaajoonaynaaye Biyo Iyo Baad Nasii Horta.




By: Maxamed Aadan Dirir




 




LASOCO QAYBTA LABAAD EE WARAYSIGAN DHEER EE AANU LA YEELANAY MID KA MID AH AYAXII HARGAYSA SOO WEERARAY OO MID KA MID AH LAGU QABTAY WASAARADA MAALIYADA