Friday, March 28, 2014

Riyaha oo la Ogaaday inay xusuus Caqli leeyihiin!


RiyahaSaynisyahanno u dhashay dalka Britain ayaa ogaaday in riyuhu aad uga caqli badan yahiin sidii horey loo malaynayay.




Khubarada ayaa tajiibo xiiso badan ku sameeyay xayn riya ah, kuwaas oo loo tababaray sidii ay cunto uga soo baxsan lahaayeen sanduuq meel sare laga soo laa laadiyay.




Khubarada ayaa bil kaddib tijaabiyay xasuusta ay riyaha u leeyihiin waxa la baray, waxaana ay tijaabo kale sameeyeen 10 bilood kaddib.




Waxaa u cadaatay in riyaha ay si wanaagsan u xifdiyeen tababarka.




Dr Elodie Briefer, oo wax ka qoray baaritaanka, ayaa sheegay in xasuusta riyaha iyo muddada yar ee ay ku barteen ay muujinayso xasuustooda dheer.




Baaritaan waqti qaatay




Riyaha ayaa loo kala qaaday laba qeybood, kuwo waxaa loo soo bandhigay ri’ horray loo carbiyay oo furaysa sanduuqa, halka kuwa kalana aan waxba loo soo bandhigin.




Dr Briefer, ayaa sheegay in ay ogaadeen in riyaha aan fursad loo siin in ay daawadaan tijaabada ay si la mid ah kuwa kale tababarka ugu guuleysteen.




Dr Briefer ayaa intaa ku daray in riyaha ay door bidaan in ay iskood wax u bartaan oo aysan kuwa kale ka fiirsan.




Waa markii ugu horreysay ee ay khubarada Sayniska baaritaan noocan oo kale ah ku sameeyaan xoolaha la dhaqdo, waxaana ay taasi ka turjimi kartaa qaabka ay ula noolaadaan bani’aadanka iyo sida ay geedaha duurka ugu noolaadaan.




Dr Alan McElligott, oo isna wax ka qoray baaritaanka ayaa sheegay in arrintan cusub ay muujinayso in riyaha ay caqli leeyihiin, oo ay baran karaan waxyaabaha adag.




Source: BBC