Saturday, March 29, 2014

Burco:Dad hanuunsan oo bur-buriyey Boodhadh lagu Joojinayo Guddniinka Fircooniga


MasaajidkaBurco(GNA)-Culimadda Masaajidada Burco ayaa khudbdihii  Salaada jimcaha ee  shalay ku dhaleeceeyay  Boodhadh lagaga hadlayo joojinta gudniinka fircooniga ah oo lagu taagaya Meelaha bulshadu isugu timaado iyo goobo kale oo magaalada ah.



Boodhadhkaasi oo ay Wasaaradda caafimaadka iyo Hay’addaha kale ee la shaqeeya ku xardheen fariimo ka dhan ah Gudniinka Gabdhaha ee Fircooniga loo yaqaano, kaasoo olole ka dhan ah muddo dheer la soo waday waxa ku qoran “Shaqaaalaha Caafimaadku waa muraayadii caafimaadka Bulshada,ha samaynina Gudniinka hablaha wuxuu curyaaminayaa Caafimaadka Hablahaeena”.



Waxa kale oo ku qoran boodhadhkan in Hay’adda UNFPA, Wasaaradda caafimaadka iyo Ururka Kalkaalisooyinka Somaliland  “UNFPA Reply via same cantre enabled, Somaliland nursing &midwifery association iyo waliba wasaarada caafimaadka oo calaamaddeedu hoosta kaga xardhantahay”.Fircooniga



Wadaadada ayaa dadwaynihii ku tukanayay ku wacyi galiyeen in Boodhadhkan la bur-buriyo,taasina waxay keentay in dadkii shicibka ahaa ay qaar ka mid ah Boodhadkii Burburiyaan,



Lama garanayo waxa keenay inay culimaddu talaabadan qaadan iyadoo aanay kala hadal Hay’adaha amniga iyo kuwa Caafimaadka toona.



Dhanka  kale Isuduwaa wasaarada caafimaadka Gobolka Togdheer oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaanay noo suurtoobin,balse Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Togdheer ayaa Gobanimonews u sheegay inay arrintan baadhis ku samaynayaan, inkasta oo aan ilaa hada wax talaabo ah la qaadin.



Wacyi-gelinta Bulshada lagaga joojinayo Gudniinka Fircooniga ah ee Hablaha ayaa ah Olole Qaran oo ay inta badan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ka qayb qaadato.



Guddniinka Fircooniga ah ayaa laga dhaxlay Caaddo soo jireen ah oo aad u fac weyn, taasoo in meesha laga saaro Somaliland saxeexday intii ay xornimadda dib ula soo noqotay.



Axmed Muuse Maxamed



Gobanimonews



Burco Office