Thursday, March 27, 2014

Hogaanka Hilibleyaasha Nafaqo oo Waxqabad soo bandhigay


Hargeysa(Gobanimonews)-Gudoomiyaha Iskaashatada Hiliblayaasha Ee Nafaqo Mr. Maxamuud Xasan Cali (Gurey) Ayaa soo bandhigay Waxyaabihii u qabsoomay intii xilka dibloogu caleemo-saaray iyo sidoo kale waxyaabihii hore ugu qabsoomay waqti xileedkiisii hore.




Gudoomiyaha Iskaashatada Hiliblayaasha Ee Nafaqo Mr. Maxamuud Xasan Cali (Gurey) oo Warbaahinta maanta kula hadlaayey xafiiskiisa ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay xiligii la aasaasay Iskaashatada Hiliblayaasha ee Nafaqo isagoo isla markaana sheegay in iskaashatadan Nafaqo la aasaasay mudo kusiman 1965kii ilaa xiligaasna Maamulba Maamul xilka kasoo dhaxlaayey isla markaana isaga ay uga horeeyeen ilaa 18 gudoomiye oo kale .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Iskaashatada Hiliblayaasha Ee Nafaqo Mr. Maxamuud Xasan Cali (Gurey) waxa uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay intii dibloo doortay hada isagoo isla markaana xusay kadib markii xal-loo helay khilaaf baahsan oo iskaashatada ragaadiyey isla markaana caqabad ku noqday in la hirgaliyo hawlaha shaqo ee Iskaashatada, Waxa noo hirgashay inaanu maalgalin u helno Sadex Sariibadood oo ay ugu horeyso Sariibada Weyn Ee Suuqa Waaheen oo hada wajigeedii koobaad la dhamaystirey isla markaana dhawaan xadhiga laga jaraayo Sariibadan oo ay noo maalgalisay Haayada FAO (faw) iyo sidoo kale laba Sariibadood oo naloogu daray GBLG-ga Sanadkan kaasoo aanu ka dhigidoono labada Sariibadood ee ku guuleysta .
Sidoo kale waxa uu Gudoomiye Gurey soo bandhigay tayada iyo agabka lagu qalabeeyey Sariibada Waaheen ee la dhamaystiray oo uu sheegay ila dhigayo talaagado iyo Qaboojiyeyaal heer caalamiya iyo sidoo kale i loo sameeyey miisas marmara iyo dhamaanba agabka loo isticmaalo Sariibadaha Caalamka,

Dhinaca kale Gudoomiyaha Iskaashatada Hiliblayaasha Ee Nafaqo Mr. Maxamuud Xasan Cali (Gurey) ayaa waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyey in ay aad iskaga xil-saaraan nadaafada iyo caafimaadka hawlwadeenada uqala xoolaha isagoo isla markaana aad ugu mahadnaqay Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Mr. Xuseen Maxamuud Jiciir oo uu xusay inuu ahaa muwaadin qiimo leh oo aad isaga xilsaaray dhaqaajinta hawlaha shaqo ee Iskaashatada Nafaqo isagoo isla markaana xusay inuu u samayn jirey kab dhinaca dhaqaalaha ah isla markaana uu ka qayb-qaatay mar dib loo kabaayey 100 qof oo ka mida hiliblayaasha Hargeysa oo kacay oo dib loo maalgalinaayey
ugu danbayntiina waxa uu Gudoomiye Gurey u Mahadnaqay Golaha Deegaanka ee hada jira sida Maayarka iyo Maayar ku xigeenka iyo sidoo kale Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose oo uu sheegay inay si xilkasa ula shaqeeyaan Iskaashatada Nafaqo