Wednesday, March 26, 2014

Iska Daba Hadalkii Madaxtooyadda iyo Wasaaradda A/gudaha Iyo Iska Hor Imaadka Baanka Dhexe Iyo W/maaliyadda Maxaa Sababay‏


Qore: Sacad




Waxa Caawa Aynu Isla Dul Taaagaynaa Xoogaa Faalo Ah oo Ku Saabasan Dhaqan Cusub oo Ay Xukumadda Taladda Haysaa Soo Kordhisay oo Aan Xukumaddihii Hore Lagu Aqoon Waxyaabaha Qaarkood Waa Wax Dhici Kara Wakhtiyadda Qaarkood Balse Xataa Waxyaabaha Dhici Kara Qudhooddu Way Kala Macquulsanyihiin Hadaba Caawa Waxaan Doonayaa Inaan Ka Hadlo Laba Arimood oo Sida Ciwaanka Faaladda Ku Xusan Kala Ah Haddalo Is Khilaafsanaa oo Kasoo Kala Baxay Madaxtooyadda Qaranka S/land Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha S/land Hadaba Waxay Ahayd Bishii Ina Dhaaftay Dhamaadkeedii Markii Uu Muran Xoogani Ka Dhex Qaraxay Xukumadda Iyo Waaxdda Garsoorka S/land Waxanna Uu Murankaasi Salka Ku Hayay Faragelin Ay Sheegeen Waaxda Garsoorku In Shaqadoodii Lagu Fara Geliyay oo Aanay Umadax Banaanayn Hadaba Taa Waxa Hal Maalin Jawaabo Kala Fog Kabixiyay Waxaana Xusid Mudan War Saxaafadeedkii M/weynaha JSL Muadane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Uu Ku Cadeeyay In Haayada Garsoorka S/land U Madaxbanaanyihiin Shaqadoodda Xukumadiisuna Aanay Wax Fara Gelin Ah Ku Samayn Karin Runtii Waxay Ahayd Arin Bulshaddu Si Diiran Usoo Dhawaysay Laguna Farxay Hadaba Daqiiqaddo Yar Kadib Ayaa Waxa War Saxaafadeedkii M/weynaha Ka Daba Yimi Shir Jaraa.id oo Uu Qabtay W/kuxigeenka Amniga S/land C/laahi Abokor Cismaan Waxaanu Sheegay Wasiir C/laahi Inay Inay Kiisas Maxkamaddaha ee Ay Hayaan Ka Badanyihiin Dhawr Boqol oo Kiis Islamarkaana Khaladaad Fara Badani Ku Jiro Hadaba Waxa Isla Galabtii Shaashadaha Tv-yadda Afka Soomaaliga Ku Hadala Ka Soo Wada Baxay War Saxaafadeedkii M/weynah Iyo Hadalkii W/kuxigeenka oo Midkoodna Geel Uheesaayo Kalena Gorayo U Heesaayo Waxay Yaab Iyo Amankaag Ku Noqotay Dadkii Daawanaayay Muraayadaha oo Runtii Ay U Qaadan Waayay Labadan War Waxanay Arintaasi Iftiimisay Isla Haysasho La.aan Xukumadda Dhexdeedaa oo Dee Aduunyadda Laguma Arag M/weyne Wax Sharciga Waafaqsan Sheegay oo Wasiir Kadaba Beeniyo Hdaba Hadaynu Halkaas Ku Yara Hakino Arintaas Geela Iyo Gorayadda Loo Kala Heesay Bal Aynu eegno Arin Kale oo Ayaamahan Warbaahintu Aad UQaadaa Dhigaysay Kuna Saabasanayd W/maaliyadda Iyo Baanka Dhexe ee S/lanad Waxa Jiratay Inay Soo Ifbaxday In Khilaaf Udhexeeyo W/maaliyadda Iyo Baanka Walaw Uu W/Wasaaradda Maaliyadu Waxaba Kama Jiraan Kutilmaamay Dhankiisa Hadana Wax Been Abuura oo Intaa Qaraleeg Lama Samayn Karo Arintana Waxa Fashiliyay Waa Ganacsatadii Baanka Ku Xidhnayd ee Xoolahoodda Jeegaga Baanku Qoro Ku Soo Cashuuran Jirtay Hadaba Markay W/maaliyadu Diiday Jeegii Baanka ee Ay Ganacsatadii Tidhi Lacag Cash Ah Noo Keena Miyay Qarsoontahay Inay Kala Shakiyeen Amma Wada Shaqayntoodii Meesha Kabaxday




Hadii Ay Wasaarada Maaliyadu Diiday Jeegan Baanka Saw Macnaheedu Maaha Inaanay Aqoonsanayn Wax Baankn Layidhaahdo oo Ay Iyaddu Ka Wasaarad Ahaan Dakhligeedda Weel Ku Shubanayso Halkaasna Waxa Kasoo Baxaday Maah-mahdii Soomaalidu Odhanjirtay Kitaab Gurigiisii Loo Diiday Sayax Allaa Baday Sidoo Kale Wxa K asoo Baxaya Sawir Nin Toocsiya oo Masuul Waliba Tiisa Kusocdo Hadaba Markaad Isku Soo Ururiso Waxan oo Dhan Waxa Meesha Kaaga Muuqanaysa Habacsanaan Maamul oo Hadaan  Si Degdega Wax Looga Qaban Keeni Karta Fishilaad Qaran oo Dhaawac Wayn Ku Noqota Sumcadeenna Dawladnimo




 




By Sacad Cali Kahin Raamalay [Sacad plucky] Email Kaahin444@hotmail.com Mobil Nuber 4091781