Sunday, March 30, 2014

Ganacsato Eeddeyn culus iyo Ashkato Madaxweyne u jeediyay Wasiirka Xanaannada Xoolaha


Waxay Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inuu Talaabo ka qaado Wasiirka oo ay sheegeen inuu la heshiiyey Maxjarkii lagu baadhay Geel ay dibada u dhoofiyeen Xanuun lagu  la soo celiyay




“Waxa nalugu soo celiyey 2387 Neef oo Geel ah oo naloo sheegay in laga helay Burro-saynle, Wasiirka Xanaannada xooluhuna wuu isku kaaya dhuftay”Xiis Cabdilaahi




Cabdiawdahir Berbera(GNA)-Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee Somaliland ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Masuuliyad darro ay ku eeddeeyeen Wasiirka Xanaannada Xoolaha, kaasoo ay sheegeen inuu ka gaabiyay wax ka qabashada Markab Geel siday oo todobaadkii hore laga soo celiyay Dalka Sucuudiga, ka dib markii laga helay Xanuunka Burro-saynlaha loo yaqaano.




Markab Dekedda Berbera ka dhoofiyay l2387 (Laba kun, saddex boqol iyo todobada iyo Sideetan Neef oo Geel ah), ayaa 21 Bishan ku soo xidhay Dekedda,oo uu soo celiyay xoolihii uu qaaday, taasoo khasaare ku keentay Ganacsatadii dhoofisay.




Ganacsatada xoolaha leh ayaa soo celinta Geelan ku eeddaynaya Maxjarka Caafimaadinta Xoolaha ee Al-jaabiri oo Geellaasi lagu sii baadhay iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir Cali oo ay sheegeen inaanu wax talaabo ah ka qaadin Maxjarkaasi oo sida ay ku dooddayaan Wasiirku gacan saar shuraako la galay, halkii uu tallaabo ka qaadi lahaa.




Ganacsatadu waxay sheegtay in markii Markabku soo gaadhay Berbera, uu halkaas  tegay Wasiir Cabdi Aw Daahir , oo ay dusha ka saareen inuu Khilaaf ka dhex abuuray Ganacsatada, kana muquurtay inuu la kulmo,sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ganacsatada Geella lagu soo celiyay Xiis Cabdilaahi oo isagoo ku sugan Magaalada Berbera na soo gaadhsiiyay qoraalkan.




“Waxa nalugu soo celiyay Markab  2387 oo Geella, ka dib markii sida naloo sheegay la helay Xanuunka Buruselaha ee xoolaha ku dhaca, intaa ka dib markii xoolaha la soo celiyay waxa Magaalada Berbera yimi Wasiirka Xanaanada Xoolaha, kaasoo aanu ka filaynay markuu berbera yimi inuu talaabo ka qaado cidii ka dambeysa in xoolahaa xanuunka qaba la dhoofiyo .




iyadoo markii hore xoolaha laga dhoofiyay Maxjarka Caafimaadinta xoolaha, lacagna nalaga qaaday, ayuu wasiirka taa bedelkeeda isagoo cid gaar ah u danaynaya madaxa isu geliyay Ganacsatadii xoolaha lahayd ee dhoofinaysay, kuwaa oo uu xaalad ka dhex abuuray, dagaalna dhex maray”ayuu yidhi.




Xiis Cabdilaahi ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirku markii uu Berbera yimi intuu la balamay, hadana u jaray, kana diiday cashuur dhaaf loo sameeyo, maadaama khasaare soo gaadhay.




“Waxaana dhacday intuu nala balamay, inuu hadana saacad ka hor markii balanku ahaa berbera ka soo baxay, isla markaana naga diiday codsi aanu ku dalbanay in Cashuur dhaaf naloo sameeyo, ileen khasaare ayaa nagu dhacay, waxaanay taasi noola muuqataa masuuliyad daro uu ka badheedhay wasiir cabdi awdaahir”ayuu hadalkiisa ku daray.




Ganacsade Xiis Cabdilaahi ayaa Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu soo faro geliyo arrintan, isla markaana wax ka qabto dhibaatada dhaqaale iyo Masuuliyad darro ee uu kula kacay Wasiirkiisa Xaananada Xooluhu.




Waxaanu yidhi “Sidaa darteed annagoo madaxweynaha ku hambalyeynayna waxqabadka muuqda ee uu sameeyey iyo safarkii uu Gobollada ku soo maray, kana cabanayna masuulliyad darrada intaa le’eeg ee uu Wasiirku nagu sameeyay iyadoo Khasaare nagu dhacay u soo jeedinaynaa Madaxweynuhu inuu  tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado.




Maadaama uu  uu ku fashilmay hawshii uu ummadda Masuulka uga ahaa ee Wasaaraddiisu qaabilsanayd iyo tii Ganacsiga Xoolahaba”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha oo ay kaga jawaabayaan Eeddeymaha ay Ganacsatadu u soo jeediyeen.




Wasiirka Xanaannada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir Cali oo Gobanimonews la  xidhiidhay si aanu dhiniciisa wax uga waydiino Eedeymaha looga soo jeediyay dib u soo celinta Xoolaha la dhoofiyay ee Ganacsatada uga yimi iyo waxa ay ilaa hada dawladdu arrintan ka qabatay ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, ka dib markii uu ka jawaabi waayay Telefoonkiisa Gacanta oo aanu ka wacnay.




Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Dr. Cago-weyne oo aanu khadka Taleefoonka kala xidhiidhnay si aanu cabashada ganacsatada wax uga waydiino, ayaa ka gaabsaday inuu xiliga aanu la hadalnay wax tafaasiil ah ama jawaab ka bixiyo arrintaasi.




Si kastaba ha ahaatee Xoolahan dibada laga soo celiyay ayaa wali ku sugan Magaalada Berbera, sida ay sheegeen Ganacsatadu.




 Gobanimonews




Berbera office




Email: editor@gobanimonews.com