Saturday, March 29, 2014

Xubnaha Somaliland uga mid noqon doona Guddida Maamulka Hawada Somalia oo Turkiga u dhoofay


SiqiirHargeysa(GNA)-Xubnaha Somaliland u metelaya Guddida isku dhafka ah ee Maamulka Hawadda Somalia ayaa Maanta ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay ku soo jeedaan Dalka Turkiga, halkaasoo lagu dhisayo guddida labada dhinac.




Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib heshiis laba geesood ah oo ay labada dhianc gaadheen sanadkii hore horaantiisii wada hadalo ay ku yeesheen dalka Turkiga, kaasoo laga soo saaray heshiis dhex maray oo qodob ka mida lagu qeexay waddaaga Maamulka Hawadda, si ay ugala wareegaan Qaramada Midoobay.




Laba xubnood oo Somaliland uga mid noqon doona guddi farsamo oo diyaarinaysa qaabka hawshaasi loo guddo gelayo iyo Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland ayaa Maanta u dhoofay Turkiga, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaaradda Duulista hawada Somaliland.




Labada xubnood ee wasiirka raacay ayaa waxa ka mida La-taliyaha Wasiirka Maxamed Biixi Taarwale  iyo Siciid Mahdi (Siqiiro) oo ka mida Khubarada Wasaaradda Duulista.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland oo lagu faahfaahiyay qorshaha Weftigu ku baxay iyo goorta ay kulmi doonaan dhigooda Somalia, hase ahaatee Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada Sadaam Maxamed Axmed oo Gobanimo news la hadlay ayaa sheegay inay warbixin faahfaahsan ka soo saari doonaan dhoofitaanka weftiga.




Si kastaba ha ahaatee qorshaha Maamulka hawadda ee labada Maamul ee Somalia, ayaa dariiqa u xaadhaya inay si madaxbanaan u maamulaan duulimaadyada Hawada Somalia, taasooay kala waregayaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO 23 sanadood ka dib.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com