Wednesday, March 26, 2014

Shirkadda Telesom oo Lacag ugu deeqday laami laga dhisayo Hargeysa


Hargeysaaa]Hargeysa(GNA)-Shirkadda Telesom ayaa maanta lacag deeq ah ku wareejisay guddida dhismaha waddada xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.




Xaflada lagu  gudoonsiiyay lacagta guddida waddooyinka xaafadda Jigjiga yar ayaa ka dhacday badhtamaha waddada ee xaafada Jigjiga yar.




Waddadan ayaa laga dhisi doonaa bariga xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, taasoo dhererkeeda lagu qiyaasay hal kiiloomitir iyo boqol mitir, waxaanay ka soo bilaabi doontaa dugsiga  agoomaha ee dhalinta kacaanka waxaanay ku dhamaan doonta Dugsiga sunshine.




Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-gaynta shirkadda Telesom muddane Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu xusay kaalinta ay shirkadda Telesom kaga jiro horumarinta adeegyadda bulshadda.




Muddane Darbo ayaa yidhi, “Waxaanu maanta guddida xaafadda Jigjiga yar u qaabilsan horumarinta wadooyinka aanu gudoonsiinaynaa lacag dhan $7,000 (todoba kun oo dollar) oo aanu ugu talo galnay waddo wayn oo ku kacaysa kiiloo-mitir iyo waxoogaha oo laga dhisaayo xaafadda. Shirkadda Telesom-na hadd iyo jeer waxaa u arin ah in gudidii, ama xaafaddii, ama gobolkii, ama degmaddii horumar samaynaysa sida waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, masaajidda, malcaamadaha cid alla ciddii wax qabsanaysa horumar ah in ay ka taageerto”.tl




Dhanka kale waxa munaasibadda ka hadlay gudoomiyaha guddida horumarinta waddooyinka xaafadda Jigjiga yar Maxamed Sheekh Cabdi Lo’doon, waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqay gacanta ay ka gaystay mashruucan waxaanu yidhi, “Waxaanu ka gudoonay shirkadda Telesom lacag dhan $7,000 (todoba kun oo dollar) oo ah tu lagu dhisaayo waddada ka bilaabanta iskuulka agoomaha ee dhalinta kacaanka la yidhaahdo ilaa ku dhamaanta waddada jigjiga yar ee sunshine halkaa ay kaga dhacdo, taasaanan lacagtaa kaga gudoonay. Waanan shirkadda Telesom uga mahadnaqaynaa sida wayn ee ay uga qaybqaadatay shirkaddu. Shirkadda Telesom waxay noqotay shirkadda faa’iidada ay dadka ka qaado dib ugu soo celisa, aad bay ugu mahadsan yihiin sidaa ay u shaqeeyaan oo ah in wixii ay dadka ka soo saareen ay dib ugu celiyaan aad baan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan leenahay in ay shirkaddaha kale sidaa ugu daydaan”.




Waxaan isna madahasha ka hadlay Sheekh Axmed-iid Aadam oo ka mid ah guddida horumarinta waddooyinka xaafadda Jigjiga yar waxaanu yidhi, “Awalan Ilaahay baa mahad iyo amaan oo dhan iska leh Ilaaha inoo suurto galiyey maanta in aynu goobtan iskugu nimaadno iyadda oo hadafkeena iyo ujeedadeenu tahay horumarinta dadkeena iyo dalkeena waayo haddaanay umaddu iyaddu isku tashan oo aanay danteeda qabsan cidkale wax u qaban mayso markaa Ilaahaybaa mahad iska leh… Waxaanu u mahadnaqaynaa shirkadda Telesom oo runtii si fiican uga qayb-qaadatay qadiyadaas iyo waddadaa halbowlaha xaafadda iyo xaafadaha kaleba u ah oo runtii isku xidhaysa.. oo ku dhacaysa waddada Xero-awr”.




Gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee Somaliland Muddane Jaamac Cali Cilmi oo isna ka mid ah guddida horumarinta waddooyinka xaafadda jigjiga yar oo halkaasi ka hadlay ka waramay ahmiyadda dhismaha waddadan xaafadda Jigjiga yar u leedahay, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, “Degmadda Ibraahin Kood-buur oo runtii ah degmo halbowle ah waddan weyn ee ka soo wareegta Safaari ee ilaa Maansoor tagtana culays badan ka qaadi doonta haddii Allaa yidhaahdo”.Hargeyss




Muddane Jaamac Cali Cilmi ayaa codsi u diray dadweynaha degan degmadda Ibraahim Koob-buur iyo dadka kale ee samo-falayaasha ah in ay ka qayb-qaataan dhismaha waddadan waxaanu yidhi, “ Wadadan cabirkeedu waa hal kiiloomitir iyo boqol mitir, waxaanu dadweynaha xaafadda degan iyo muxsiniinta kale ee ka qayb-galaysaba ka codsanaynaa warbaahinta ugu gudbinaynaa inay ka soo qaybg-galaan gaar ahaan dadka xaafadda degan waxaan ku baraarujinaynaa waan wargalinay culimo iyo guddiba waa la maray inay si dhakhso leh jawaab uga soo celiyaan kana qayb-qaataan waddada, waxaanu aad ugu boorinaynaa xasuusinaynaa ku dhiir-galinaynaa”.




Shirkadda Isgaadhiinta casriga ah ee Telesom ayaa had iyo jeer door firfircoon ka qaadata arimaha bulshadda, waxaanay kaalinta kowaad ka qaadataa ka qayb-qaadashada arimaha bulshadda gaar ahaana qaybaha ay ka midka yihiin dhismaha wadooyinka, Jaamacaddaha, Iskuulada, Madarahadaha iyo arimah kale ee bulshadda. Hargeysaaass 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com