Wednesday, March 26, 2014

Rooney: Old Trafford Wuxuu Noqday Garoon Aysan Ka Baqin Kooxaha Kale


 




rooney-100-300x225




Wayne Rooney ayaa qirtay in garoonka kooxdiisa ee Old Trafford uu noqday meel ay kusoo dhiiradaan kooxaha kale inay guul ku garaan.Man United ayaa looga adkaaday 6 kulan Old Trafford xili ciyaareed kan, Rooney ayaana u arka in midaas ay sharaf dhac ku tahay kooxdaisagoo doonaya inay markale ku soo celiyaan sidii hore ee uu ahaan jiray.Ma garan karo waxa nagu dhacay xili ciyaareed kan, ma ahan wax la aqbali karo inaad guul daraysato 6 kulan oo aad ku ciyaarayso garoon kaaga, waxaa lagama maarmaan ah inaan ku soo laabano wadadii saxneed oo aan ka dhigno Old Trafford meel ay kabaqaan kooxaha kale marka ay nagula ciyaarayaan” ayuu u sheegay Rooney TV-ga Man United.




Mar walba oo aan guul gaarno laba kulan oo isku xigta tan seddexaad waxay noqotaa mid aan guul daraysano taas oo markale dib noo celinaysa”.Waan ognahay inay waajib nagu tahay inaan jawaab ka bixino oo aan kasoo kabsano guul daradaan, dhabtii waxay inoo aheed habeen xun, waxaa haboon inaan hilmaano wixii dhacay oo aan ka fikirno kulamada soo socda”.