Sunday, March 30, 2014

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa Budhcad baddeednimada?Waraysi Sh.Xerow


Sheikh Cumar Maxamuud Wardheere (Shiiikh Cumar Xerow ) oo ka mid ah Culimada waa weyn ee sida weyn looga yaqaan Magalada Muqdisho ayaa laga wareystay waxa ay diinta Islaamku ka qabto Burcad Badeednimada iyo dadka ku shaqaysta waxa la gudboon.




Sheikh Xerow ayaa sheegay in Budhcad baddeednimadu tahay dambi weyn, qofka ku shaqaystana aan wax macaamil ah lala samayn Karin.




Waraysigan oo uu Sheikha la yeeshay Aamin Yuusuf Khasaare, laguna baahiyay Mareegta Dayniile ayaa u dhacay sidan:




Su’aal: Qaadicu Dariiqa Diinta Islaamka Tilmaantey maxay kaga duwan tahay Burcad Badeednimada ?




Jawaab: Burcadda Badda ha joogto, Dhulka ha joogto ama Cirka ha joogto , Magaca Burcadda ayaa kulminaya , waxay kaga duwan tahay ma jirto Fii Shareeca Islaamiyah, intaba waxay wadaagaan Dadka Musaafiriinta, Dariiq ha maraan , ama Bad ha maraan ama Cir ha Maraane ama Beri ha maraan ayey waxay ku yihiin Caqabad Dariiqooda, qof walba oo dad meel maraya hor istaagana waxaa uu qaadanayaa magaca Burcadnimada ah , marka Burcada iyo Burcad Badeeddu waa isku mid , haba kala duwanaadaane qaabka ay aduunka ula macaamilaane , laakiin islaaamku Ficilkaa Burcadnimadaa , Burcadu waa isku Burcad.




Suaal:: La Macaamilka Qofka Burcad Badeeda maxay Diinta ka qabtaa ?




Jawaab: Ninka Burcad Badeedka ah, waa nin Dambiile ah , in lala Macaamilo , in wax laga gato, wax laga kireysto , Wax lagu Mehriyo , ama lala shaqeysto ama lala Shirkoobo , macno buu yeelanayaa Macaamilka , intaba ma Banaana , hadii la ogyahay in Xaqiiqo tahay , ama Burcad Badda ha ahaado , ama qaybaha kale ee Burcadda in lala Macaamilo ma Banaano ,




Su’aal: Xoolaha laga Tabco Burcad Badeednimada Diinta Islaamka maxay ka qabtaa?




Jawaab: Xoolaha waa Xaaraan , waji walba oo lagu kasbo , waayo waxa lagu kasbay waa Tahdiid ama Cagajugleyn, Waa Bani’aadamkii oo la Adoonsanayo , waa Baniaadamkii oo Hantidiisa la dhacayo, waa Baniaadamkii Musaafirka ahaa oo islaamku ugu talagaley in Dhulka si aamin ah ku maro ama Badda si Nabadgelyo ah ku maro wax laga qaadey waaye , waxaas Cidda laga qaadayo ha laga qaado ama Gaal ha laga qaado ama Muslim ha laga qaado waa Xaaraan weeye, waxaana uu Xalaal ku noqon kara iyadoo qofkii Xoolaha laga qaadey loo celiyo hadii uu yaqaaney.




Su’aal: Qofka Burcad Badeeda ah ee Dhibaatada ku ahaya Bulshada Soomaaliyeed ama Caalamka Abaal marintiisu maxay tahay marka Diinta Islaamka la eego?




Jawaab: Qofkaas waa Qof u Bareerey in uu Fasahaadiyo Arlada , hadii aan fiirino Burcadda Badda waxay Cunaqabateeyeen Ummadda Soomaaliyeed , oo wixii Badeeco ahaa Qaali ka dhigey, oo wixii Wadanka soo aadayo ee Maraakiib ahaa ay diideen in ay soo aadaan dalka, Howshaas waa mid Khatar ah Qofka ku kacaana waxaa looga baaqaa Khaatumo Xumo , hadana sidaan aragney Maahmaah Carbeed baa tiraahda “ Wixii Biyo kaa so gala Biyo ayey u Dhamaadaan” Biyaha Sacabada ma celinayaan, waxa Xaaraanta ah Weel Celinaya ma jiro, wxaa loo baahan yahay in Dhalinyaradaa la wacyigeliyo , Diinta loo sheego ,Culimada la Kulmaan , Dadaal fara badan ayaa loo baahan yahay inta aysan dhibin Caalamka kale.




 




Su’aal: Badda Soomaaliya waxaa la soo dhoobey Maraakiib fara badan , waxaa iska leh Beesha Caalamka si ay ula dagaalamaan Burcad Baddeeda , hadaba qaabka loo wajahay ma yahay kii saxda ahaa ?




Jawaab: Qaabka loo wajahay Sax ma aha hadii ay rabaan Burcad Badeeda lala Dagaalamo , Badda lagulama dagaalami karo , Mashaakilkaa Burcadnimada waxaa uu ka Bilaabmey Beriga ama Dhulka , dadka Beriga jooga Cidii la tacaali karata , la falgeli karta ama ha ahaadaan Dadka Degen Xeebaha ama dadka ku dhow, ama Nidaam la helo ha ahaato marka sida loo wajahay waa qalad , waxaa ka wanaagsan in Wadanka Gudihiisa Nidaam Nimankaa iyaga ah looga hortago la sameeyo , ama wacyi gelin ha ahaato ama dadka ha is abaabulaan ama nidaam Dhisan oo Xoog leh taa ayaa looga hortagi karaa marka sida loo wajahay waa Qalad




W/D Amiin Yuusuf Khasaaro




E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk




E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk