Thursday, March 27, 2014

Nin M. Siilaanyo Sodog u yahay iyo Wasiirro Burco u kaxaystay Gaadhigii gaarka ahaa ee madaxweynaha


Baashe Moorgan oo Burco u kaxaystay mid ka mida Gaadiidkii gaarka ahaa ee Madaxweynaha, Ilaalidiisii gaarka ahayd iyo Raxan Wasiiro, kuna sii jeeda war-cibraan iyo Faddeexad!




Baashe cumBurco(GNA)-Wefti wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada,Dib udajinta,Caafimaadka ayaa caawa kusoo hoyday,Magaalada Burco ee xarunata Gobolka Togdheer.




waftigan oo  la filayo inay Maalinta Berito ah Magaaladda burco u dhaafaan, Degmada War-cibraan ee gobolka togdheer oo ay  kasoo dhagaxdhigaan Mashaariic ay ka mid yihiin,Xarumo Caafimaad, Xafiisyo Maamulka Degmada loo dhisayo iyo waliba Guryo loogu talo galay dadka danyarta ah, waxa hogaaminaya Wiilka uu Madaxweynuhu Sodoga u  yahay Baashe Cumar Cawil (Moorgan) oo deegaankaasi ka soo jeedda.IMG_0348




Baashe ayaa ka mida ashkhaasta inta badan loogu hadalhaynta badanyahay ee awooda dahsoon ku leh xukuumadda  siilaanyo, kaasoo Xidid la ah Qoyska madaxweynaha,laakiinse aan isagu xil ka hayn dawlada.Wasiir-Xirsi-150x150




Markii ay soo gaadheen Magaalada Burco weftigu ayaa la arkaayay isagoo wata gaadhigii ugu horeeyay waftigaas oo ah Baabuurtii khaaska ahayd ee madaxwaynaha, isla markaan ay saaranyihiin xubno ka mida  ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo, waddona darawalkii labaad ee madxwaynuhu.




Xubno ka mida dadkii soo dhaweeyay weftiga ayaa arrintani la yaab ku noqotay, waxaanay sheegeen in Baashe Moorgan uu awood dadban ku leeyahay xukuumadda.




“Tani waxay ka muujinaysaa sida dadban ee aqalka madaxtooyada somaliland looga arimiyo,ay saamaynta togan ugu leeyihiin shaqsiyaadka gaarka ahi oo aan waliba xil iyagu ka hayn dawlada,iyadoo ilaa iyo sadexdii xukuumadood ee kala danbeeyay aanay ka dhicin sidan oo kale waa xukuumadii Madxwayne C/raxmaan,Cigaal iyo Daahir Rayaale”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay nin ka mida Siyaasiyiinta gobolka ku sugan.




Si kastaba ha ahaatee dadka qaarkii ay aaminsan inay tani marag u tahay eedaymaha xukumadda loo soo jeediyo ee la xidhiidha dhanka maamulka, taasoo ay u arkaan hogaaminta  Madaxwayne siilaanyo tahay Boqortooyo dahsoon.





  1. Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office