Saturday, March 29, 2014

Sawir Laga Helay Boodhka Lagaga Soo Horjeedo Moyes Ee Berrito La Dulmarin Doono Old Trafford.


Boorka muranka dhaliyay ee taageerayaasha Manchester United ay qorsheeynayaan inay kulanka berrito dulmariyaan Old Trafford ayaa markii horeysay sawir laga soo qaaday.




 




Koox taageerayaal United ah ayaa lacag iska uruuriyay oo ay ku kireysteen dayuurad xaga danbe looga xiri doono fariinta ah: “Wrong One: Moyes Out” – Kii Lagu Qaldamay: Moyes Ha Baxo. Waxaana fariintaas lagu daabacay far guduudan oo waa weyn iyadoo loola dan leeyahay tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee David Moyes.




 




Waxa ay qorsheynayaan inay boorkaas dulmariyaan garoonka inta ay socoto kulanka Premier League ee ay berrito la leeyihiin Aston Villa sababtoo ah natiijooyika liita ee ay kooxda gaareyso iyo xaqiiqda ah iyagoo aaminsan in Moyes uusan joogin heerka United.




 




 




Boorkaan berrito la dulmarinayo Old Trafford ayaa jawaab u ah mid ku xiran garoonka Old Trafford dhexdiisa kaasoo ah “Chosen One” Kii La Doortay. Madaama Sir Alex Ferguson uu isaga si shaqsi ah u doortay in Moyes uu bedelkiisa noqdo