Saturday, March 29, 2014

Uruka ladagaalanka iyo wacyigalinta qaadka ee AKMO oo qabatay tartan ciyareed lagaga waciyigalinayo dhalinyarada Aafada Qaadka.


DSC08059Burco(GNA)-Ururka ladagalanka iyo wacyigalinta qaadka ee loo yaaqaan AKMO oo ka dhisan gobolka Togdheer ayaa munaasibad balaadhan oo ay kaga wacyigalinayeen Mukhaadaraadka oo ay ku  qabtay Garoonka kubada cagta ee Alamzay  ee Magalada Burco




Waxa munaasibadaasi ka soo qayb galay  Maaamulka  Ururka AKMO Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Togdheer ,iyo boqalaal dhalinyaro ah oo soo buux dhaafiyay Barxada Garoonka ee ee laga daawado ciyaarta




Iyada oo ay ujeedada  ay uqabteen ururka AKMO ay ahayd inay ka wacyigaliyaan aafada hadhaysay dhalinyarada ee balwad  ay ka kowtahay  qaadku waxay ciyaar sxabiibtinimo dhexdhigeen laba naadi oo kamida naadiyada heerka kowaad ee gobolka togdheer oo kale ah  Policeka  iyo MDX




Inta aanay ciyaartaasi bilaabmin ayaa waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka AKMO Marwo Nasra Cali Farax oo ku dheeratay ujeedka ay u qabteen munasinibadan iyo maraaxila uu soo maray Ururku iyada oo iftiimisay inay wacyigalin badan ku qabteen ka urur ahaan gobolka togdheer




 




Waxa isna halkaasi ka hadlay  Iusuduwaha wasarada ciyaraha Gobolka Togdheer Ismaacil Waydaar  oo ku dheeraday muhimada ciyaartu uleedahay  dhalinyarada iyo bulshada oo ay ka qayb qaadato isdhexgalka bulsho waxa kale oo uu mahadnaqay uruka AKMO oo ah ururku Foogan siday uga yeerayn lahayeen Afada Qaadka ee hadhaysay dhalinyaradi wax qabsan lahayd ee  hormar gaadhsiin lahayd dalka waxaanu  ugu baaqay ururada ka jira Gobolka inay ku daydaan Ururka AKMO oo ay ku dadalaan inay isdhexgaliyaan dhalinyarada si ay uga jeestaan aafooyinka hadheeyay dhalinyarada ee ay ka mid tahay buu idhi qabyaalada ,balwadaha xunxun iyo tahriibta




 




waxa  intaasi ka dib dhexmartay labada koxood ee kamidka heerka kowaad ee gobolka togdheer oo ay dheexmartay ciyaar aad u xamaasad badan oo ay kale wateen tageerayaal fara badan oo soo buxiyay garoonka  oo aad modayso sawaxanka iyo qaylada kasoo yeedhaysay  tageerayasha ay ka qayb qateen Dardarta  ciyaarta




 




ugu danbayntii waxa ciyaartu ku dhamatay rekodhayaal oo ay guushu ku raacday naadiga MDX oo  lasoo gabayo  Maxmkamada Dilka Xolaha oo dadku badan koodu uyaqanaan Xeero dhiigta   oo ay halkaasina ku qateen koob dhaxyaalay  labadan koxood  islamarkaasina ay dhigtay  Uruka AKMO  ayaa ka mid noqanaysa ururada fara ku tiraska ee ka shaqeeya wacyiggalinta dhalinyarada sidoo looga jeedin lahaa afooyinka balwadaha xun xun oo kua midka yahay qaadka