Thursday, March 27, 2014

Wayne Rooney: “Wax La Aqbali Karo Maahan In Old Trafford Lix Jeer Nalagaga Badiyo”


Wayne Rooney ayaa markii ugu horeesay furka tuurtay wuxuuna aad uga carooday kooxdiisa Man United ceebaha lasoo darsiyo xili cayaareedkan kuwaas oo aysan kooxdan faca weyn lagu aqoon jirin, weeraryahankan tayada wanaagsan ayaa si gaar ah uga hadlay inaan loo dul qaadan karin in Man United xili cayaareedkan guuldarooyin farabadan ay soo gaareen ayadoo joogto garoonkeeda Old Trafford, madaama guuldaradii ugu dambeesay ay United kala kulantay naadiga Man City oo ku dabaal dagtay garoonka Old Trafford wuxuu Rooney yiri “Ma aqaan waxa ka socdo garoonka Old Trafford mana garan karo habaarka nagu habsaday balse ma ahan wax loo dul qaadan karo in 6-kulan garoonkeena nooga badiyo xili cayaareedkan Premiership-ka England”




 




Wayne Rooneya ayaa sidoo kale soo jeediyay inaan dhaliisha dusha looga tuurin macalin David Moyes wuxuuna yiri “koox ahaan ayaa nagala rabaa inaan isbadal la imaano ma ahan in macalin Moyes oo kaliya la eedo sidaa darteed waxaa haboon inaan dib u darisno fashilka nagu habsaday kadibna aan ka gudubno xaaladan adag” ugu dambeyntii Rooney ayaa soo jeediyay in xidigaha kooxda Man United ay iska iloobaan guuldaradii Manchester Derby kadibna ay isku diyaariyaan sidii ay u guuleesan lahaayeen labada kulan ee United kusoo fool leh waxayna la kala cayaari doontaa kooxaha Aston Villa iyo Bayern Munich.