Friday, March 28, 2014

Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.2aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar


Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.




Waxaan qaybtii hore kaga soo hadalnay aragtiyaha kala duwan ee dadku u yaqaanaan guusha balse maanta waxaynu kaga hadli doonaa maxay tahay guusha dhabta ah?




Guushu waa wax cayiman waa wax qofkasta yaqaan, waa wax cidi ku sifoowdo oo ay dadka kaga tilmaamanyihiin astaamo gaara, loona xiisoodo raacida dariiqa ay mareen, iyadoo arintani jirto hadana ma jirto wado qudha oo guusha kugu hagta waxa laga yaaba halka uu mid inaga mid ahi u maro in ka kuxiga uu ka waayo, ama qofkasta iyo xaalkastaa ay leedahay dariiq u gaara, waa markan ka hadlayno nolosha iyo halgankeeda, inagoo kuxisaabtamayna dhamaan dadka kunool aduunka meel kasta oo ay joogaan iyo waxkasta oo ay aaminsan yihiin.




Islaam ahaan waxaan qirsanahay in dariiqa Alle yahay kan qudha ee lagu gaadhi karo guusha saxda ah ee Aduun iyo Akhiraba loo baahan yahay.




Hadana markay timaado guushu ma jiro hab ama nidaam aad markaliya raacdo dabadeedna aad guulaysato, balse waxala hoos dhigay qofkasta fahamkiisa iyo dadaalkiisa, waana sirta nolosha.




Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa Sunada iyo Quraanka Kariimka ah in dad badani ku guulaysteen dariiqyo kala duwan, sida kuwo naftooda kuwaayey Jihaad Alle dartii ah, kuwo Xayawaan ay quudiyeen ku helay waxan ilna arag, Dhanga maqal, Qalbi bina aadamna aan kuso dhicin oo ah Janada, iyadoo dhanka kalena ay jiran kuwo walidkood lagu hor dilay iyana naftooda khatar la galiyey si looga reebo guusha ay rabeen balse u samray kuna guulaystay iyo dad kale oo ku guulaystay hadafkii ay ka lahaayeen nolosha aduunyo, sida Aqoon, Ganacsi iyo darajo kale oo ay gaadheen.




Iyadoo lagaduulayo wadciga noocaas ah ayaa dad badan isku dayeen inay qeexaan guusha, balse nasiib daro waxay soo jeediyeen oo kaliya siday iyagu u arkayeen ama u mareen dariiqooda guusha, taaso hadii lays yidhaa raaca ay suuro gal tahay in la gaadho ama lagu guul daraysto, si kastooy tahay maadaama guushu tahay wax loo baahan yahay hadaba waxa laysku raacay arimo dhawra inay sabab u noqdaan in qofku guulaysto ama qofki arimahan raaca gaadho guusha, inkastoo hadana qofkastaa duruuf gaara ku jiro hadana waxa la arkaa inuu gaadho halka uu kusocdo ama uu ku qanacsan yahay gaaritaankeeda.




Hadaba maxay tahay sida ugu fudud ee guusha lagu xaqiijin karo??? Aas-Aaska iyo tiirasha guusha ……




La soco qaybaha danbe oo aad kuu xiisa galin doona, oo aan filaayo inaad ka heli doonto jawaabta Su’aalo badan oo maskaxdaada ka guuxaya iyo tilmaamo kaa caawin doona inaad gaadho himiladaada.




” ALLAA MAHAD LEH“.




Suleiman Bashir Omar




Borama, Awdal.




Email: ibnubashiir99@gmail.com