Thursday, March 27, 2014

Shirkii Baydhabo Ka Socday Oo Madaxweyne Lagu Doortay


Hargeysa(GNA) -Shirkii maamul u sameynta saddexda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa saaka lagu doortay madaxweyne, iyadoo xilka ay isku soo taageen afar murashax.




 




baydhabo




 




Doorashada oo ka dhacday hoteelka Bakiin ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 723 ergo oo ka kala yimid gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo ah gobollada uu maamulkani ka talin doono.




 




Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa doorashada guddiga doorashada iyadoo laga akhriyay goobta taariikh nololeedyada murashaxiinta xilkaas u taagnaa, iyadoo ay tanaasuleen markii ay doorashadu billaabatay saddexdii murashax ee tartanka kula jiray Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay madaxweynaha maamulka.




 




Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa kalsoonida siisay 713 mudane, halka 10  diidaday, labana ka aamustay, waxaana isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha la doortay, Maxamed Xaaji C/nuur oo doorashadiisa ka dib khudbad jeediyay.




 




“Waxaan ka shaqeynayaa amniga saddexdan gobol, waxaana ku dadaalayaa inaan Al-shabaab ka saaro deegaannada ay gobolladan kaga sugan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Cusubi




 




Shirkan ayaa waxaa hormuud ka ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo laabtay shalay Baydhabo, kaddib markii shacabka degmadaas ay dhigeen dibad-baxyo ay ku diiddan yihiin imaashihiisa, taasoo keentay in xalaaddu ay si aad ah isku bedesho.