Monday, March 31, 2014

Xasan Sheikh oo Waji gabax kala kulmay Baydhabo iyo Jawaari oo u gurmaday


labada Madaxweyne ee Baydhabo lagu  doortay oo mid waliba gaarkiisa uga digay kulan dhex mara Madaxweynaha iyo Jawaari oo gurmad kaga daba tegay




baydhBaydhabo(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.




Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jirey bilihii ugu dambeeyay xiisad ka dhalatay Maamul u samaynta Gobolladaasi, taasoo dhalisay maalmihii u danbeeyey dibadbaxyo rabshada wata, kadib markii laba maamul looga wada dhawaaqay shirar halkaasi ka socday.




Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa la geeyey xero ciidan oo AMISOM ku leedahay Baydhabo.




Safarkiisa ayaa la saadaalinayey inuu dhexdhexaadin ka geli doono xiisada ka taagan Magaaladda, hase ahaatee wali wax talaabo ah muu qaadin.




Kooxda uu Madaxweynaha u doortey Madoobe Nuunow ayaa tan iyo saaka ku sugnaa xarunta ADC ee shirkoodu ka dhacay.




sidoo kale  dhinacaMadaxweynaha u doortey Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa iyaguna ku sugnaa Hotel Bakiin.




Dibadbax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Baydhabo ka dhacay kaas oo ay dhigeen koox dhalinyaro ah oo taageersan maamulka sheegtey 6-da gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow, kadib markii ay magaalada soo gashey in Madaxweynuhu boqanayo Hotel Bakiin.




Ninka Madaxweyne ku-xigeenka u ah Madoobe Nuunow ee maamulka 6-da gobol oo la yiraahdo Maxamuud Sayid sheegey ayaa sheegay in horey loogu wargeliyey booqashada Madaxweynaha, ayna u diyaar garoobeen tan iyo maantana ay sugayeen laakiin aanu weli soo booqan Madaxweyne Xasan Shiikh.




 Sayid ayaa ka digey in amaanka madaxweynaha aanay damaanad-qaadi karin haddii uu isku dayo in uu boqdo Hotel Bakiin, isagoo la hadlayay VOA.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kaasoo   faahfaahin ka bixinaya  safarka aan horey loo shaacin ee Madaxweyne Xasan Shiikh maanta oo Axad ah ku tegey Baydhabo.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkii hore sidan oo kale booqasho ugu tegay magaalada Kismaayo oo ay ka taagnayd xiisad kulul oo ka dhalatay Maamul u sameynta Jubaland, taasoo uu dejinteeda qayb weyn ka qaatay.




Laakiinse lama saadaalin karo waxa uu safarkiisan Baydhabo ka daaweyn doono muranka xoogan ee ka taagan halkaasi xiligan.




Dhinaca kale, waxa isla Magaalada Baydhabo gaadhay xubno uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof. Jawaari, kuwaasoo  aan la caddeyn inay weftiga Madaxweynaha qayb ka noqon doonaan iyo in kale.




Booqashada labada Masuul ee ugu sareeya Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka ayaa imanaysa billo uun ka dib markii ay soo baxday inay labadan masuul isku khilaafeen arrintan haatan taagan.




Khilaafka ayaa sida la sheegay xiligaasi salka ku hayay sidii looga hortegi lahaa Maamul cusub oo lagaga dhawaaqo Baydhabo iyo Gobollada la wadaaga ah, taasoo saameyn ku yeelanaysay Jubaland.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com