Thursday, March 27, 2014

Maareeyaha Tv.ga Qaranka oo Ku Faanay in Wasiir Samsam Meesha Ku Hayso! (Qormadii 1 aad)


Laba bilood ka hor ayay ahayd xiligii khilaafka xoogani ka dhex qarxay wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Cukuse iyo maareeyaha tv.ga qaranka Khadar Cali Gaas,khilaafkaasi oo hakad geliyey horsocodkii guud ahaanba wasaaaradda warfaafinta,iyadoo wasiirka wasaaradda warfaafintu uu shaqadii ka joojiyey maareeyaha oo uu booliska ku amray in uusan soo geli Karin,balse waxa la sheegay in wasiiro ka mid ah golaha wasiiradu u doodeen maareeyaha oo ay soo geliyeen wasaaradii warfaafinta.




Hadaba inkasto si dhab ah loo ogeyn wasiiradi soo geliyey wasaaradda warfaafinta maareeyaya tv.ga qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas markii uu wasiirku shaqadii ka joojiyey ,ayaa waxa soo baxday mudo kadib in maareeyaha tv.ga qaranku ku faano in wasiirka wasaaradda waxbarashada marwo Samsam Cabdi Adan ay ku guntatay oo ay soo gelisay wasaaradii iyo shaqadii uu wasiirku ka joojiyey ,maareeyaha oo rag ay asxaab yihiin u sheegay in meeshan tv.ga qaranka ay ku hayso wasiir Samsam Cabdi Adan oo uu maareeyuhu ku tilmaamay in mar horeba shaqada laga eryi lahaa hadii aan ilahay u soo dirin wasiirka waxbarashada Somaliland marwo Samsam Cabdi Adan,oo uu ku tilmaamay inay tahay wasiir hal adag oo go’aan qaadasho leh taasina ay sababtay in go’aan adag ay wasiirku u dhiibtay madaxtooyadda oo ay ku tidhi hadii maareeyaha la waayo anna la I waa.




Dad badan oo ka ag dhaw maareeyaha tv.ga qaranka ayaa waxay ku tilmaameen in uu yahay in aan siraha muhiimka ah aan qarin Karin oo hadba wixii uu maalin kasta kala kulmo madaxtooyadda iyo goobaha kale ee la isugu yimaado ka sheega wixii la soo darsay,waxayna dadka ku xeeran badankooda lagu tilmaamaa dad aan wax latin ah oo dhinaca wanaagsan ka geysan waxyaabaha muhiimka ah ee la soo darsay maareeyaha tv.ga qaranka halka la sheegay inay dabka ku sii shidaan arimaha muhiimka ah ee ay tahay in uu si wanaagsan u maamulo ,waxayna dad badan oo la taliyashiisa ahi la moodaa inay maareeyaha tv.ga qaranka Khadar Cali Gaas jarka uga talaabsanayaan.




Inkasta oo qof walba uu wax ku wanaagsan yahay oo qofna lagu eedeyn kari shaqadiisa ayaa hadana waxa jirta in qofka masuulka ah hadii uu shaqadiisa ka soo bixi waayo lagu canaananayaa ,dadka aqoonta u leh maareeyaha tv.ga qaranka ayaa waxa lagu tilmaamay in uusan ahayn nin dadka kala yaqaana ,isla markaana dhaqankiisu yahay mid hooseeya oo hadii aad xafiskiisa kula kulanto waxaad ugu tegaysa ayay yidhaahdeen dadka aqoonta u leh maareeyaha tv.ga qaranka Khadar Cali Gaas isagoo ku foofara mobile-ka gacanta oo screen touch –ka loo yaqaaano oo uu had iyo jeer uu ku fooraro ,iyadoo qofkii u soo galay la moodo in uusan masuuliyadba iska saareyn in qofkii u soo gala ama shaqaale ha ahaato ama masuul kale ha ahaado sidii uu u qancin lahaa,taasi bedelkeeda wuxuu dadka soo booqda xafiskiisa ku yidhaahdaa oo ma balan ayaynu lahayn maad iska soo gelaysa,xitaa hadii uu yahay qof  shaqaalihiisa ka tirsan oo wax uga baahday.




Dhaqanka noocaasi ah eek u sifeysan nin aan sirta muhiimka ah qarin ayaa waxa uu kashifi karaa arimo waaweyn oo sir qaran ah,waxayna tahay in xukuumadda siilaanyo u fiirsato dadka ay masuuliyadda u dhiibanayso iyo dadka aan qaadi kareyn masuuliyadda loo dhiibay,xukuumada uu hogaamiyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayay nusqaan ku tahay masuuliyiinta noocaas ahi inay xilalka sidaasi u waaweyn loo dhiibo .




La Soco taxanaha qormadan—




By:Axmed Maxamed C/risaaq




Email:axmed-1994@hotmail.com




Hargeysa/Somaliland