Sunday, March 30, 2014

Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Tol-jecle oo fariin adag u diray Xisbiga Kulmiye


"Beesha Tol-jecle  waxay si cad uga soo horjeedaan saamiga laga siiyay Ergada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee ku cad tibaaxaha soo baxaya.."Bayaan  




DSCN2948Hargeysa(GNA)-Waxgaradka, Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanadda,Culimo-awdiinka,  Dhalinyarada iyo dhamaaan qaybaha kale ee Bulshada  Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq (Toljecle), degen Gobollada  Maroodi-jeex, Gabiley iyo Togdheer  markii ay yeesheen kullamo  wada tashi ah oo  muddo u socday oo gudaha iyo dibada dalka  ka dhacay, Shirarkaasoo  la xidhiidha sidii dib loogu eegi lahaa danaha Guud ee Beesha, kuwa dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxyaabaha kale ee Maslaxad beesha ku saabsan.




Markii Hormuudka Beeshu wax badan iska waydiiyeen, kana faalooddeen marxalka guud ee beesha ee arimaha kor ku xusan, si qoto dheerna ugu dhabo galeen caqabadaha ku gedaaman ee ragaadiyay horumarka siyaasaddeed, deegaan iyo daneed ee Beesha.




Markii ay wax iska waydiiyeen tibaaxa ka soo baxaya habka loo qaybsaday Ergada Shirweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay beeshu ka mid tahay beelaha Taageerada la garab taagnaa tan iyo markii la aasaasay dhawr iyo toban sano ka hor.




tibaaxahaasoo sheegaya in beesha la  siiyay saami aanay u qalmin oo 100% ka yar waxay xaqa u lahayd Ergadda Beesha.




Markay isla qodobkaasi xisbiga Kulmiye hoos ugu sii daadegtay ee ay eegtay saamiga markii hore xisbiga ay ku lahayd, kaasoo ay filaysay in wax lagaga bedeli doono shirarka ka dambeeyay shirkii ugu dambeeyay ee Xisbiga, kuwaasoo aan wali qabsoomin uguna soo horeeyo kan iminka qabanqaabadiisu socoto ee shirweynuhu, iskana dhex wayday guddida fulinta ee Xisbiga iyo kuwa hada la doonayo in lagu daro.




Beeshu markii ay isla arrintaa Kulmiye ku sii lifaaqday tabashada saami qaybsiga Xukuumadda talada haysa iyo boobkii caddaa ee  Xildhibaanadii Goleyaasha Deegaanka uga sharaxnaa lagu riday doorashadii waddanka ka dhacday bishii December 2012.




Beeshu waxay soo saartay Go’aamadan iyo baaq:





  1. Beeshu waxa u caddaatay in cadaalad darada iyo qadafyada siyaasaddeed ee lagula kacayo ay masuuliyaddooda koowaad leeyihiin kuwa ku metela xisbiga Kulmiye gudihiisa, xukuumadda iyo hogaanka dhaqanka ee beeshu, kuwaasoo aanu u aragno inay qayb ka yihiin duudsiga xisbigaasi nagu hayo.


  2. Beeshu waxay si gaar ah farta ugu goday in Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Maxamuud Jaamac Warfaa ka gaabiyay door alaalle doorkii kaga aadanaa isku xidhka iyo kala tabasho saarista Xisbiga iyo Beesha, iyadoo aanu u aragno inuu qayb ka yahay ficillada qalafsan ee nagaga soo noqnoqday xisbiga.


  3.  sidaasi darteedna  Beeshu waxay isku raacday inaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) aanu isla maanta laga bilaabo Xisbiga Kulmiye  u metelin ama Beesha uu ka soo jeeddo.


  4. Beeshu waxay hogaanka Xisbiga Kulmiye ugu baaqaysaa inay go’aan ka qaataan xubintaas iyo kuwa kale ee ku jira Golaha dhexe hadii ay mansabyada u daynayaan iyo hadii kaleba, balse wixii hada ka dambeeya Tol-jecle aanu halkaa u metelin.


  5. Haldoorka Beeshu waxay Suldaanka Guud ee Beesha, Guddida horumarinta ee Guud  iyo cuqaasha ugu baaqaysaa inay sida ugu dhakhsaha badan u iclaamiyaan shirweyne aayo ka tashi ah oo Beeshu isugu timaado , kaasoo lagaga arrinsan doono Masiirka Siyaasaddeed iyo Arrimaha kale ee Beesha.


  6. Beeshu waxay caddeynaysaa inay go’aan dambe ka soo saari doonto Taageeraddeed Xisbiga Kulmiye guddo iyo dibadbana go’aan mid ah ka gaadhi doonto Xisbigaasi.




Alaa Mahad leh




Wa Bilaahi Tawfiiq




Bayaanka waxa wada saxeexay dhamaan Cuqaasha iyo waxgaradkii Shirka ka qayb-galay ee Beesha.