Thursday, March 27, 2014

C/wali Gaas oo Canaantay Wefti ka socda EU-da oo uu kula shiray Markab Dagaal


Daawo Gaas oo Markab Dushii kula shiray Midowga Yurub, ka dib markii ka soo laabtay Buuraha Galgala iyo fadhiisimada Ciidanka..




GaasasBoosaaso(GNA)-Madaxwaynaha maamul ka  Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta Markab Dagaal dushiisa kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia iyo dhowr safiir oo ka socda dalalka Yurub.




Shirkaasi oo socday mudo ku dhow lix saac, ayaa lagaga wada hadlay sidii midowga Yurub taageero dhaqaale oo dhanka Milateriga ah iyo mid bino-aadanimo u siin lahaa,waxaanu madaxweyne Gaas ka dalbaday EU-da inay  mucaawimooyinka Dawladda Federaalka la soo mariyo qaybtooda helaan shacbiga Puntland.




Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Quraan jecel oo Shirka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ka warmay waxyaabihii looga hadlay, waxaanu xusay in Madaxweyne Gaas canaan u jeediyay Midowga Yurub.




”Waxa uu ku dhaliilay reer Yurub iyo UN-ba inay Puntland ay ka mid tahay Somalia, islamarkasna dhaqaale badan la siiyo Koonfurta Somalia, Muqdishona la geeyo, iyadoo magaca umadda lagu soo qaaday qaasatan wixii amni ku saabsan, ciidamada DF ay ka mid yihiin kuwo PL marka in kuwa PL la qadiyo kuwa DF tababaro iyo wax kale la siiyo” ayuu yiri.




Quraanjecel, ayaa sheegay in dalalkii uu la shiray Gaas ay u balan qaadeen inay badali doonaan siyasadooda gudaha , waxna kala qabanayaan maamulka arrimaha Budhcadbadeed iyo kalluumaysiga sharci darada ah.




Kulanka labada dhinac ayaa saacado ka dambeeyay , markii uu booqday Fadhiisimada ciidanka Puntland ee Galgala, halkaasoo uu kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee aagaasi kula dagaalama Kooxda Al-shabaab faraceeda Goliska.




Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inuu bilaamayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waxaanu  dhinaca Kalena markii ugu horaysay Tacsiyeeyay Ciidanka Dilkii loo geystay  taliyihii Ciidanka Amaanka ee Galgala jaamac Afguduud oo Alshabaab dileen.




Waxaanu noqdayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda Deegaamada Galgala oo dagaalo soo noqnoday ku dhex mareen Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay.g3 Gaas  Gaasss gas h




Gobanimonews




Boosaaso Office