Monday, March 31, 2014

Somaliland: Wasiirro Shaqaddooda kaga saaqiday Sheekadda Hudheellada


SAMSUNG DIGITAL CAMERA



Hargeysa(GNA)- Wasiirradda Xukuumadda Somaliland qaarkood ayaa caaddeystay inay Hudheeladda waaweyn ee Hargeysa ka sheekeeyaan  gelinka hore ee Shaqada Xafiisyadu socoto, taasoo caqabad ku noqotay habsami u socodsiinta shaqadii loo Igmaday.



Qaar ka mida Wasiirradan ayaad moodaa inay xafiisyadoodii ku beleleen Hudheeladda, iyaddoo markaad xafiisyadooda tagto lagu odhanayo Shirarbay ku maqanyihiin.



Wasiirradan ayaa waxa ka mida Wasiirrada Wasaarradaha Hawlaha Guud, Wershadaha, Waxbarashada, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Maal-gashiga iyo xubno ka mida Madaxda Hay’addaha Madaxbanaan ee dawladda, kuwaasoo dhamaantood wakhtigooda shaqo inta ugu badan ku qaata Hudheelka Maansoor, isla markaana aad moodaa inay Xafiisyo uga furanyihiin Hudheelkaasi.



Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa ka mida Wasiirrada fadhiga Hudheellada lumiya Saacadaha Shaqadu socoto, kaasoo todobaadkii inta saacadood ee uu xafiiskiisa joogo tiro aad u yar lagu soo koobayo, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen xubno ka mida Shaqaalaha Wasaarradiisu.



Wariye ka tirsan Gobanimonews oo u kuur galay hab-dhaqanka shaqo ee Wasiirrada, isla markaana wakhtiyo kala duwan xafiisyadooda booqday, ka dibna u kuur galay joogitaankooda Hudheellada, ayaa la kulmay xubno ka mida Masuuliyiintan oo saacaddo dambe sidii wax shaqo ka soo rawaxay ka soo baxaya Hudheelka, xiliyadda qaarna wakhti afar saacadood ka badan Qolaal gaar ah oo Hudheelka ah  ku sheekaysanayay.



“ma garanayno ujeeddada ay halkan isaga fadhiyaan dabeecadbay ka noqotay malaha ku sheekaysiga Hudheelku, waxaanay u baahanyihiin cid kulla xisaabtantanta shaqada loo dirsaday”sidaasi waxa yidhi Mawaadin ka mida dadka Hudheelkaasi joogtada u yimaada.



Wasiirradan ayaa inta badan Jawaab sax ah ka bixin ujeeddada ay Hudheelkan ugu lumiyaan shaqaddooda, kuna doodda inay shirar gaar ah ku lahaayeen, balse waxa halkaasi ka soo baxaya su’aal odhanaysa maxay tahay shirarka ay kala soo dhuunteen xafiisyadooda ee halkan lala yimi?.



Xubnahan caaddeystay inay Tamashle Hudheeladda la fadhiyaan, ayaa marka la barbar dhigo Wasiirrada kale ee dhigooda ah oo qaarkood la tilmaamo inay maalmaha qaar shaqeeyaan 24-ka saacadood, noqonaya saaqidiin u baahan in talaabo laga qaado, taasoo ah hawl u taala madaxweynaha waddanka hogaamiya ee masuuliyadda ugu dhiibay umadda.



Si kastaba ha ahaatee arrintan oo baylah weyn ku keentay shaqaddii loo igmaday Wasiirradan, ayaa ku sii darsantahay hagar daamadii ay Bulshadu hore ugala kulmi jirtay helitaankooda oo marka ay xafiisyada joogaanba aad u adkeyd.



Saleban Cabdi Cali



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: curad1986@hotmail.com