Saturday, March 29, 2014

Dalka yaa cadaalad iyo sinnaansho ku hogaamin kara.


Qormooyinkii hore waxaan dul maray xisbul xaakimka kulmiye inuu hogaaminta dalka ku fashilmay,siyaasada arrimaha dibadana ku jiheeyay ku siqida midnimada Somaliya.




Kulmiye iyo xukuumadiisu waxay kale oo ay soo kordhiyeen inay burburiyaan dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee aynu ka-kabaynay.Waxay ku xad-gudbeen dastuurkii iyo xeerka xisbiyada,waxay ku tunteen xoriyada tartanka hogaanka sare ee xisbiga kulmiye.Waxay ka curiyeen xisbiga kulmiye dhex-diisa qaabkii kali-taliska.Waxay yidhaaheen(Lalama tartami karo gudoomiyaha,ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha golaha dhexe).Tani waxay burinaysaa gebi ahaan ku dhaqanka xeerka xisbiga kulmiye,xeerka xisbiyada xeer No.14 iyo hirgelinta ku dhaqanka dimuqraadiyada iyo xoriyada xubnaha han hogaamineed leh ee diyaarka u ahaa inay xisbiga dhexdiisa ka tartamaan.Kulmiye aragnee aan intaa ku dhaafo.




 




Hadaba qormadan maanta waxaynu ku eegi doonaa mar hadii kulmiye dimuqraadiyadii god madaw ku tuuray shacabku waxa uu rajo ka qabaa inuu codkiisa ku soo saaro 2da xisbi mucaarid mid-kood inuu ku guulaysto doorashada la filayo inay qabsoonto badhtamaha 2015.




 




Markay sidaa tahay aragtidayda waxa aan qabaa xisbiga aan u arko inuu khayr dalka u horseedi doono uu yahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka-UCID.Waxaanan sidaa u leeyahay ee aan ku sababay-nayaa arrimahan:




1.Mar hadii shacabka Jamhuuriyada Somaliland yahay 100% muslim




    Waxa suurta gal ah markan inay qadariyaan oo ay u codayn




    Doonaan calanka tawxiidku ku xardhan-yahay ee xisbiga UCID.




2.Magaca xisbiga ucid oo ah cadaalad iyo daryeelka shacabku u




   Harraadan-yahay.Magacaas oo tilmaan ka bixinaya siyaasada




   Dhabta ah ee xisbigu ku hogaamin doono dalka.




3.Musharaxiinta xisbiga UCID oo ah aqoon-yahan aan ka soo qayb




    Qaadan dawlada mucangaga ahayd ee Afweyne.Laguna rajo




   Rajo weyn-yahay inay sinnaansho iyo cadaalad dalka ku hogaamin




   Doonaan.




4.Gudoomiyaha xisbiga UCID oo lagu yaqaan muwaadin ku dheggan




   Jiritaanka iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland,ahna




   Rug-cadaa ku xeel dheer hab-dhaqanka shacabka




   J.Somaliland.




 




Markaynu eegno qodobadaas oo runta ku qotoma waxa dalka cadaalad iyo sinnaansho ku hogaamin kara jiilka cusub ee xisbiga UCID.




 




Dhamaad.




 




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL