Monday, March 3, 2014

Ku Maxafsiga Magac Dhalinta iyo Duruufaha haysta da’yartu laba aan islahayn


1940247_787460687949272_435660916_nKU MAXAABSIGA MAGACA DHALINTA SOMALILAND EE SONYO & DURUUFTA DHALINTA LABA AAN IS LAHAYN? Qaaliinki: Maxamud Salaah Ducaale




Waxaa xusid mudan in maanta dalku siduu udhanyahay in camal la'aan ku hamsatay dhalinyaradii wadanka oo maqaaxiyaha wada yuurura iyagoo intaa rajo qaba in xaaladu is bedeli doonto ilaahayna faraj khayr qaba ka sugaaya, halka dhalinyaradaa aay dalada SONYO ku maxaabsato magacooda oo runtii aanay jirin maanta meel dhalinta wax aay ugu qabatay aan ka ahayn reports-yo been ah oo xisaab celintoodu xataa aay ku salaysan tahay wax aan jirin. Magaalada hadii maanta sameecad iyo mikarafoon lala dhex wareego dhalin wax aay u qabteen lasoo heli maayo aan KA ahayn in gaar ah oo dhowr iyo konton NGO oo mid walba marka mashruuc kharashkii soo dhaco sidii shirkadaha shares ka bixiya account kooda nin walba wax loogu shubo halka dhalinyaradii magacooda wax lagu cunaayay ee wax qabadkalahaa aay daranyo iyo duruufi baday in waagu ugu baryo makhaayad uguna dumo gobolku halkaas.




Waxaad arkaysaa dhamaan dhalinyaradii ku noolayd dalka oon lasoo marsiineyn dalada SONYO sababtuna waxay tahay in dhalintu dulmantahay, waxaanay maanta xaalku taaganyahay in min Djibouti ilaa Hargeisa oo Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay xaruunta loo dhisaayo uguna deeqay 100,000$ halka tijaartii Djibouti dhamaantood marka la isku daro lacagta aay dhiibeen aay noqotay 500,000$ ayaa hadana hanaan xumi awgeed Hargeysa, March 2, 2014 (Haatuf) - Golaha Sare ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo yeeshay kal-fadhigoodii 27-aad ee caadiga ahaa ayaa shalay ku soo gabo-gabeeyey Huteelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa oo uu mudo laba maalmood ah ka socday ayaa qodobkan qodobkan kasoo saaray ; 7. Ugu dambayntii, shirku waxa uu ka codsanayaa dhammaan Muwaadiniinta, Ganacsatada dalka, Xukuumada JSL, Asxaabta Qaranka, Xildhibaanada Labada Gole, Xildhibaanada Golayaasha Deegaanada la soo doorto iyo dhammaan shacbi weynaha JSL in ay ka qayb galaan qaadhaanka dhismaha Dhallinyarada Qaranka ee Madaxweynaha JSL dhagax-dhigay, dhismihiisuna bilaabmay. Dhismaha Dhallinayarada Qaranku waxa uu noqon doonaa xarun madal u noqota gardaadinta garaadka fayow iyo aloosida fagaarayaal dhallinyarada dalku ku dood –barato, kuna tashato. Ayana aay ka dhigteen kambayn. Xaqiiqdii waxaa bartaas kaaga muuqanaya hadalku siduu u dhiganyahay inaan maanta ka hor aanay jirinba xaruun amaba goob iyo dalad toona oo danta dhalinta Somaliland ka shaqaysii. Hayadaha dawliga ah iyo INGO'S ka waxaa aay dhalintu u sheegaysaa in deeqaha ay bixinaayaan aay hubiyaan habka aay u baxaan iyo halka aay maraan, xukumadana waxaanu ka codsanaynaa inay hoos u eegaan ururada bulshada ee rakaadiyay dhalinyarada Somaliland ee xataa aan xafiiska lahayn ee hoos taga SONYO oo aay Audit usaarto arimahan bulshada ee intaa dhawaqoodu baxaayo ee intaa hadh iyo habeen dhalintu dareen kooda maqaal ku gudbineyso.




Maxaa horumar hiigsanaa hadii xaalkuba noqday in mashruuc laga dhigto in danahii aasaasiga ahaa ee dhalinyarada maanta aay mareyso heer shakhsiyaad gaara ineey magacii dhalinyarada Somaliland ku maxaabsadaan oo inta ka shaqaysa iyo inta ka hawlgashaba layaqaan.




"SONYO is a fraud" ayuunba imika afkii dhalinyarada kasoo hadhay, waxaanan leeyahay dhalinta xukumadu bari codka ka rabtii waa dhalintan maanta magacooda lagu maxaabsanayo ee wasaarada arimaha bulshada iyo sports ku arimahan iyaga ah hoos ha u eegaan. SONYO ma matasho dhalinyarada Somaliland waayo maaha dalad daacad ah oo wax qabad leh.




Mohamoud salah ducaale




Tel 4414584




Sugale321@gmail.com