Sunday, March 2, 2014

Somaliland: Garsoorka oo ka cowday W. Fulinta iyo M/weynaha oo Inkiray.dhegeyso Waraysi


Garsoorku waa Waax la mid ah Waaxda Fulinta, Wasaaradda cadaaladuna waa Wasaarad xukuumi ah, markaa m maamuli karto Garsoorka"Dhegeyso Waraysi Sharci yaqaan Muuse..




"Ma jirto faro gelin xukuumaddu ku hayso Garsoorka"Madaxweyne Siilaanyo Warsaxaafadeed..




Hargeysa (GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si kulul uga jawaabay Eedeymo Madaxda Garsoorka iyo Maxkamaddaha uga yimi, ka dib cabasho soo jiitamaysay oo Maxkamaddaha iyo Garsoorku ka tabanayaan Xukuumadda.




Garsooreyaasha iyo Madaxda Maxkamaddaha Gobolka Mardoodi-jeex ayaa shalay si weyn u dhaliilay hanaanka wada shaqayneed iyo faro-gelin xukuumaddu ku hayso Garsoorka, iyagoo dalbaday madaxbanaani taam ah.




Madaxweyne Siilaanyo oo u Jawaabay Garsoorka




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu si adag ugu beyaamiyay inaanay xukuumaddiisu wax faro gelin ah ku haynin arrimaha Garsoorka, isagoo Garsooreyaasha Cabashada soo jeediyayna ku canaantay habka ay u gudbiyeen tabashadooda.




“Majirto  wax fara-gelin ah oo ay xukuumaddaydu ku hayso nidaamka garsoorka iyo caddaalada.




Waxaan xukuumad ahaan aanu u taaganahay in garsoorkeenu noqdo mid u hiiliya xaqa isla markaasina dhawra xuquuqda Aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo”ayuu yidhi.




Madaxweynaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata tilmaamay in cabashada Garsooreyaasha shalay wax laga damqado ay tahay “Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso.




Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.




Ugu danbayn garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay”ayuu qoraalka uu soo saaray ku soo gunaanaday.




Hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha ayaa saacado kooban ka dambeeyay qaylo dhaan heerkeedu sareeyo oo shalay ka soo yeedhay Madaxda Maxkamaddaha iyo Ururadda Garsoorka.




Xudunta cabashada Garsoorka




Garsoorka ayaa ka cabanaya laba qodob oo dabar ku ah Madaxbanaanidooda Dastuuriga ah, kuwaasoo ay dalbadeen in wax laga qabto.




Labada qodob ee ay xudunta tabashada Garsoorku daarantahay ayaa ka ah faro gelin kaga socota Wasaaradda Cadaaladda oo awoodda ah iyo dhaqaalaha Hay’addaha Garsoorka oo liita, sida uu Gobanimonews u sheegay Qareen Muuse  Yuusuf oo ka mida dadka sharciga bartay ee ka hawl-gala Maxkamaddaha dalka.




“Garsoorku wuxuu ka cabanayaa awood maroorsi kaga socda Wasaaradda oo meesha ka saaray Madaxbanaanidii Dastuuriga ahayd iyo dhaqaale la’aan haysata, waayo ma jirto ilaa hada Miisaaniyad u gaara Hay’adda Garsoorka dalka oo ay hawlahaeeda ku maamulan kartaa, sida ay Baarlamanka iyo Fulintuba Miisaaniyadda u leeyihiin”ayuu yidhi Garyaqaanku.




Sheegayada Wasaaradda Cadaaladda ee ah Maamulka Garsoorka ayaa ah mushkiladda ugu weyn ee cabashada Garsoorka abuurtay, sida ay dhawr jeer ku cel-celiyeen dadka arrimaha cadaalada iyo Garsoorka ku foogan.




“ma jirto meel Dastuurka ay kaga taalo Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka, wasaaradda cadaaladdu waa Wasaarad xukuumi ah, Garsoorkuna waa Waax dastuuri ah oo ka mida saddexda waaxood ee Qaranka, markaa mushkiladdu waxa weeye Wasaaraddii Xukuumiga ahayd ayaa doonaysa inay Maamusho Garsoorkii, Guddida cadaaladdana saddex ka mida waxay ka yimaadaan Xukuumadda”ayuu hadalkiisa raaciyay qareen Muuse.




Arrinta dhaqaalaha ayaa iyaduna ah qodobka labaad ee cabashada Garsoorku la xidhiidho , iyadoo labadii sanadood ee ugu dambeeyay murankani ahaa mid soo jiitamayay.




muuseHalkanka ka dhegeyso Warays Garyqaan Muuse Yuusuf:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Garyaqaan-Muusemp3.mp3"][/audio]




Ma jirto ilaa hada wax jawaab ah oo ay Wasaaradda Cadaaladu ka bixisay eedeymahan uga yimi bahda Garsoorka, hase ahaatee Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhinac isaga leexisay qayb ka mida dhaleeceymaha Garsoorka ka soo baxay oo iyada khuseeyay.




Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor oo Warbaahinta la hadlay Maanta ayaa si adag u daadifeeyay in wasaaraddoodu wax faro gelin ah ku hayso Bahda Garsoorka.




Eedeymahan iyo hadalada ay isdhaafsanayaan Xukuumadda iyo Waaxda Garsoorku ayaa u muuqata mid murankeeda uu qayb ka yahay isfaham la’aan dhex taala Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, taasoo awooddaha maamul iyo dhinac Maaliyaddaba ku salaysan.




Garsoorka ayaa ah Waax Madaxbanaan oo Dastuuri ah, waxaana maamula Guddida Cadaaladda ee heer qaran, kuwaasoo ka kooban todoba xubnood oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Guddoomiye u yahay.




Awood ahaan waxay la simanyihiin Waaxda Sharci dejinta oo ka kooban labada aqal ee Baarlamanka oo laysku daray iyo Waaxda Fulinta oo ay Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranku ku jiraan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com