Dhacdo Dileed nooceedu ugu yahay oo Reer Somaliland ka yaabisay iyo Taxanaha xogo dheeraad ah oo aanu ka helnay"Akhri
Burco(GNA)-Ciidanka Bilayska Sonaliland ayaa gacanta ku dhigay Haweenay sida la sheegay lala xidhiidhinayo inay si fool xun u dishay Gabadh kale oo Maydkeeda Maanta laga helay Hargeysa.
Haweenay Magaceeda lagu sheegay Ruqiya Siciid Ayaanle oo muddo raq iyo ruux la la’aa ayaa Maydkeeda laga helay Duleedka Guriya Ku yaala Xaafada New Hargeysa ee Degmada Gacan Libaax maanta.
Dilka gabadhan ayaa lagu tuhunsanyahay gabadh kale oo ay lacag isku lahaayeen, taasoo markii maydka la helay isku dayday inay baxsato balse lagu qabtay Magaalada Burco, sida uu Gobanimonews u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka bilayska Somaliland.
Gabadha Dilka loo haysto iyo Inan ay dhashay ayaa lagu qabtay iyagoo Gaadhi ka raacaya mid ka mida Istaamada Gaadiidka Barigu ka baxaan ee Burco, iyadoo lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Burco.
Maydka Ruuxa la dilay ayaa laga soo saaray God ku yaala Guriga ay gabadha la qabtay degenayd, halkaasoo sida la sheegay lagu aasay.
Marxuumadda oo raacadeeda lagu jiray Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa eheladeeda sheegeen inay xaafada New Hargeysa ay ugu tagtay markii hore qoys ay lacago ku lahayd, balse aan wax war ah laga helin wixii intaasi ka dambeeyay.
Gabadha loo qabtay dilka ayaa ka soo jeedda Magaalada Burco, horena halkaasi u degenayd.
Kiiska la xidhiidha dhacdadan ayaa hore u sameeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Bilayska, kaasoo lagu eedeeyey inuu Damiintay Gabadha lacagta lagu lahaa oo ka mid ahayd Dumarkii ku daymoobay Mashruuc Jiif oo jaq la odhan jiray oo dad badan lagu sanadkii 2008-da somaliland.
Gaashaanle Muuse Axmed ayaa dhawr habeen ka hor bilaysku soo qabteen, ka dib markii la waayay gabadha lacagta lagu lahaa oo uu damiintay isagu, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee Magaaladda Hargeysa.
Maydka Gabadha la dilay ayaa la keenay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa , halka ta wax dishay lagu hayo Magaalada Burco.
Dhacdadan ayaa ah mid ugub ah oo si weyn looga hadal hayo Dalka oo dhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com