Waxa la sheegay in lagu qabtay Deegaanka Bilcile oo 100Km u jira Degmada Duruqsi..
Duruqsi(GNA)-Mid ka mida Eedeysaneyaasha lala xidhiidhinayo inay ka dambeeyeen dilka Taliyihii Bilayska Degmada Xaaji Salaax ee Gobolka Daad madheedh, ayaa la sheegay in lagu qabtay Deegaanka Bilcile oo ka tirsan Degmada Duruqsi.
Dabley Hubaysan ayaa 25-kii bishii Feberaury goor habeennimo ah ku dishay Magaalada Xaaji-saalax Marxuum Hure Sahal Ducaale, kaasoo dilkiisa lala xidhiidhiyay Aano dilal hore oo ka dhacay Gobolka Togdheer sanado sii horeeyay.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Hay’addaha amaanka iyo Maamulka Dawladda ee Gobolka oo la xidhiidha qabashada Eedeysanaha la sheegay in la qabtay.
Hase ahaatee, Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno isugu jira Laamaha amaanka iyo bulshada deegaanka Duruqsi, eedeysanaha la qabtay oo la rumaysanyahay inuu qayb ka ahaa dilkaasi, isla markaana qaar ka mida Nimanka dilka sida tooska ah loo hubo inay u fuliyeen ay qaaraabo yihiin, ayaa caawa isu soo dhiibay Odayaal dhaqameedyo iyo wax-garad ka soo jeedda deegaanka dilka loo aanaynayo.
Ninkan ayaa la sheegay inuu muddo dhuumaalaysi ku joogay Deegaanka Bilcile oo ilaa 100km u jirta Degmada Duruqsi, iyadoo wada hadalo ladqabo oo dhex maray Odayaasha uu isku soo dhiibay, sida uu Gobanimonews u sheegay mid ka mida wax-garadka Deegaanka oo Khadka Telefoonka aanu kula xidhiidhnay.
Warka ayaa intaasi ku daraya in wali lagu daba joogo dhawr Nin oo falkaasi wax ka fuliyay iyo kuwii gacantooda ku fuliyay, kuwaasoo warar aan wali la xaqiijini ay tibaaxayaan in qaarkood dhinaca Buuhoodle u talaabeen.
Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ee Bilayska iyo Maamulka Gobolka oo aanu la xidhiidhnay si aanu uga xaqiijino qabashada Ninkan ayaanay noo suurto gelin inaanu helno caawa.
Ergooyin kala duwan oo xukuumadda Somaliland, Madaxdhaqameedka iyo Golaha Guurtida ka kala socda ayaa deegaankaasi u tegay si ay uga hawl-galaan xalinta dilkan iyo aanooyinka soo noqnoqday ee uu daba socday.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wefti uu hogaaminayo oo xukuumadda ka socda ayaa amar ku bixiyay maalintii shalay inaan la qarin nimankii falka foosha xun fuliyay.
Dilka Sarkaalka ayaa daba socday Aano Ganacsade Burco lagu dilay 11 sano ka hor iyo Nin kale oo Sarkaal ah oo Magaalada Oodweyne lagu dilay.
Gobanimonews
Oodweyne Office
Email: editor@gobanimonews.con