Monday, March 3, 2014

Puntland: waxa la gaadhay xiligii wada hadal lagu dhamayn lahaa muranka Soohdinta Sool”.


Madaxweyne Gaas oo sheegay in saddex caqabaddood maamulkiisa horyaalaan, kuwaasoo ay ka mid tahay Muranka u dhexeeya Somaliland ee Sool.."




gaaaaasAddis-ababa(GNA)-Madaxweyaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa khudbad uu dhinacyo badan  ku tabtay ka jeediyey machadka daraasaadka nabadda iyo ammaanka ee magaalada Addis Ababa (IPSS).




Madaxweyne Gaas ayaa caqabadaha ugu waaweyn ee dalkiisa haysta ku tilmaamay saddex arrimood oo ay ka mid tahay muranka xuduuddeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.




Dagaalka Budhcad-baddeeda, Al-shabaab iyo khifaalka dhinaca Xuduudka ah ee Somaliland iyo Puntland ayuu ku sheegay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Maamulkiisu waajahayo, waxaanu soo jeediyay in muranka xuduudka lagu xaliiyo wada hadal.




"Waqtigan waa xilligii xal waara laga gaari laha muranka soohdimaha ee Puntland iyo Somaliland u dhexeeya, waaana waqtigii khilaafka wada-hadal lagu dhammeyn lahaa," ayuu yiri madaxweyne C/wali Gaas.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo la xidhiidha Mawqifka ay ka taaganyihiin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Puntland, iyadoo ay noo suurto geli wayday inaanu helno qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aanu la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga waydiino.




Somaliland ayaa sanadkii 2007-da Puntland kala wareegtay gacan ku haynta Gobolka Sool badankiisa, iyadoo ay soohdinta labada maamul hada tahay Degmada Tuko-raq.




Madaxweyneha cusub ee Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas, ayaa markii uu xilka u tartamayay ilaa bilowgii shaqada xafiiskiisa Madaxweynaha ku cel-celiyay in Laascaanood iyo Deegaamada kale ee Gobolka Sool uu shaqaynayo sidii gacanta Puntland loogu soo celin lahaa.




Arrintan ayaa xiisad afka ah ka dhex abuurtay labada dhinac ee Garoowe iyo Hargeysa, ka dib markii Siyaasiyiinta Somaliland, siiba xubno ka mida Mucaaridku hadalkaasi si ka biyo diid ka muuqdo uga jawaabeen.




Hase ahaatee hadalka hada ka soo baxay ayaa u muuqda mid ka debecsan kii ay Siyaasiyiinta Somaliland dhibsadeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com