Tababaraha kooxda AC.Milan Clarence Seedorf ayaa ka hadlay guul daradii soo gaartay kooxdiisa xalay isagoona sheegay in kooxdiisa ay u ciyaartay qaab wanaagsan.
Seedorf ayaa sheegay in ay adagtahay in lala ciyaaro Juventus isagoo sheegay in cidii rabta inay celiso Juventus ay soo wadato kaaraha dagaalka ama dabaabadaha dagaalka si ay u celiyaan wuxuuna ula jeedaa inay yihiin koox aad u awood badan oo ay adagtahay in laceliyo.
“Tani waa natiijo, natiijaduna waxay leedahay inaan guul daraysanay, laakiin waxaan jeclahay inaan idhaahdo waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed aad u fiican, waana ogeyn inaan la ciyaari doono koox adag oo awood badan” ayuu u sheegay Sky Italia ciyaarta kadib.
“Qaab ciyaareed keenu wuxuu ahaa mid fiican, waxaana aad ula dhacsanahay hormarka ay samay nayso kooxda, waxaan soo muujinay inaan cagta la helnay wadadii saxneed, waana ku qanacsanahay qaab ciyaareed kii kooxda waliba angoo guul daraysanay”.
“Yaa awooda inuu laciyaaro Juventus? waxa kaliya ee aad ku celin karto waa kaare ama dabaabad, Juventus waa koox aad u xoogan taasna waxay soo muujiyeen sanadihii lasoo dhaafay, waxay haystaan ciyaartoy heer sare ah sida Tevez kaasoo ciyaarta wax kabadalay”.