Muqdisho(GNA)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in amaanka Muqdisho gacanta lagu qabanayo.
Jen. Mungaab ayaa sheegay in muhiimada 1aad ee maamulkiisa ay tahay sidii uu deg deg wax uga qaban lahaa amaanka caasimada Somalia ee Muqdisho oo mudooyinkan sii xumaanayey.
“Qorshaha waxaa uu yahay in saddex bilood gudahood aan ku abuurno isbedel dhinaca amaanka ah oo laga dareemo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Mugaabi oo BBC la hadlay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in isagoo ka faa’ideysanaya khibradii uu ka kororsaday xiligii uu ahaa gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida uu dib u habeyn ku sameyn doono ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida gobolka Banaadir.
“Waxa jiri doono isla xisaabtan dhab ah sheekadii hore waa dhamaatay, howlgalada la sameynayo waxay noqon doonaan kuwo leh baro la beegsanayo oo ku saleysan xog la helay, in dadka la iska raafo iyagoo aan la kala soocin wax natiijo keenaya maaha” ayuu intaa ku daray Jen. Mungaab.