Wednesday, March 12, 2014

Guddida Cadaaladu waa Gariirad loo dhigay waaxda Garsoorka..Q.2aad


Qormadii hore waxa aan ku iftiimiyay aragtida dhabta ah ee uu dastuurku farayo waaxda garsoorka,guddida cadaalada iyo wasaarada cadaalada oo hadana muujinaya laba dhinac oo dul hoganaya waaxda garsoorka.




Qormadan maantana waxa aan ku soo qaadan doonaa falalka caday-naya waaxda garsoorku inaanay u madaxbanaa-nayn arrimaha ku salaysan:




1.Falalka garnaqsi ee u dhaxeeya waaxda fulinta iyo golaha wakiilada marka uu taagan-yahay fasiraad qodobada lays ku hayo ahna dastuuri.




 




2.Falalka garnaqsi ee u dhexeeya  waaxda fulinta iyo xisbiyada mucaaridka ah.




Hadaan soo qaato falalkii ka oogmay waaxda fulinta iyo golaha wakiilada ee ayna talaabo ka qaadin waaxda garsoorku(gaar ahaan maxkamada Sare ahna maxkamada dastuurka) waxa ka mid ah:




 




A)Waqtigii Riyaale ee waaxda fulintu qufulka ku xidhatay golahii wakiilada.




 




b)Waaxda Fulinta ee haatan talisa maalintii dhowayd ee ay inqilaabka ka dhex aloostay golaha wakiilada.




Labadaa fal ayaa inagaga filan muquurashada maxkamada dastuurku ay kaga indha adaygtay talaabadii dastuurku awooda u siiyay oo ahayd inay sharciyan kala badbaadiso halka suba-salaax ay guurtidu labadii goorba ku dhamaysay.Markaan soo qaato qodobka 2aad ee aan kor ku xusay waxa iyagana xasuus inoogu filan falalkan:




 




c)Waqtiga doorashooyinka falalka foosha xun ee ay fulintu u gaysato xisbiyada mucaaridka ah ama ururada siyaasiga ah,sida dilalkii ay u gaysatay codbixiyaashii Xaqsoor.Waxa iyana xasuus inoogu filan waaxda garsoorku inaanay madaxbanaa-nayn toogashadii lagula kacay xildhibaan Qabile oo ucid u fadhiya golaha wakiilada,loona tirinaayo xubin waaxda fulinta ka tirsan oo ah wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha.




 




d)Garsoorayaashii maxkamadaha gobolka M/Jeex ee cadeeyay inay waaxda fulintu faro gelin ku hayso,weliba tilmaan ka bixiyeen wasiirada ay waraaqaha ka hayaan ayaa gudoomiyahii maxkamada sare/Dastuurka hiil isla garab taagay waaxda fulinta sida ku cadayd shir saxaafadeedkii uu media-ha ummada u mariyay,isla arrinkaa waxa sidoo kale difaac indho la’aan ah ku casuumay waaxda fulinta xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.




Talaabooyinkaa dhamaantood waxa keli ah oo ay inoo caday-nayaan waaxda garsoorku inay tahay laan hoos tagta waaxda fulinta oo sidii shacabku rumaysnaa aanay u madaxbanaa-nayn.




La Soco…..




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL