Reer Saylac oo si gunti isku giijis ah u soo dhaweeyay wefti Siilaanyo hogaaminayo oo caraabe ku gaadhay iyo Su’aal garowshiyo ay uga doonayaan oo hortaala..
Hoos ka dhegeyso: Khudbadii uu ka sii jeediyay Boorama intii aanu u baqoolin Selel..
Saylac(GNA)- “waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ASARDA dedaalka ay ku dhiseen waddada isku xidha Dilla iyo Boorama, dalka horumarkiisa waxa horeeya oo isku xidha oo meel isugu keenaya waddooyinka”sidaasi waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay xaflad loo sameeyay furitaanka Waddo isku xidha Boorama iyo Dilla, taasoo la dhamaystiray.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/CODKA-MADAXWEYNAHA-EE-BOORAMA.mp3"][/audio]
Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gelinkii dambe ee Maanta u baqoolay dhinaca Gobolka Selel ee Xeebta ku yaala halkaasoo uu beri ka sii ambo qaadayo booqasho hawleed uu saaka ugu ambo baxay Gobollada Barri, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada.
Weftiga ayaa u hoyday oo Caawa Marti ku ah Magaalada Saylac, taasoo ah markii ugu horaysay ee uu u hoydo tan iyo markii Xilka loo doortay 26 bishii June 2010.
Ka hor intii aanu gaadhin Saylac waxa uu sii maray Degmooyinka Qulijeed, Boon, Geerisa, Ceelgaal, iyo Caasho Cado iyo Tuulooyinka Fadhixun, Fardo-lagu xidh iyo kuwo kaleba.
Selel
Gobolka Selel waxa uu ka mid yahay Gobollada lagu tilmaamo in dib u dhac badan oo ay kaga dambeeyaan Gobolada kale qayb ka yihiin tabasho bulsho oo soo noqnoqotay, waxaase isweydiintu tahay waxa ay hormuudka Gobolku ka dalbdan doonaan Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa.
Waxyaabaha ugu daran ee Gobolku ku liito waxa ka mida dhinaca adeegyada Bulshada, sida biyaha, Caafimaadka, waxbarashada, Waddooyinka iyo waliba dhaqaalaha, kuwaasoo ah dhamaan kaabeyaasha horumarka.
Hase ahaatee inta waxaasoo dhan laga wada hadlin waxa muuqata inay wali mujtamaca deegaanka Saylac wali maskaxooda ku sii jirto utuntii uu ku reebay khilaafkii Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee sanad iyo bilo ka hor waddanka dhacday, taasoo natiijadii degmada Saylac ay si weyn uga biyo diideen shacbigu dabadeed xaajo lagu ka dhalatay.
Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha ay reer saylac kala arinsan doonaan Madaxweynaha oo in badan inuu cabashadooda hoos u eego gaabiyay, isla markaana xili ay iskood u daleen ergooyin beeshu soo diratay waxoogaa fur-furnaan ah muujiyay.
Dhinaca kale, Gobolka Selel waa Gobol saaran xuduudka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djibouti, waxaanu muhiimad weyn u leeyahay saaxiibtinimada Isirka ku dhisan ee labada iyo iskaashiga xaga dhaqaalaha, amniga iyo Kaluumaysiga, balse ma laha waddooyin fiican oo isku xidha Gobollada kale ee dalka, sida Hargeysa.
Su’aasha ugu weyn ee dadka safarka Madaxweynaha isha ku hayaa isweydiinayaan ayaa waxay tahay Madaxweyne Siilaanyo ma ka shaafiyi doonaan bulshada Gobolka Khasaarihii naf iyo Maalba lahaa ee ka soo gaadhay khilaafkii Doorashada, mase dhegeysan doonaan ka hadalka mawduucaasi hadii lagu soo daro waxyaabaha dadweynuhu soo bandhigeyaan inta uu la joogo.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com