Kooxda Old Trafford ka dhisan ee Man United ayaa dhigeeda Arsenal kula xifaaltami doonta kubad sameeyaha kooxda Real Madrid iyo Xulka Spain Isco kaas oo boos joogto ah ka waayay kooxdiisa.
Arsenal ayaa xidigaan dalab u gudbisay bishii lasoo dhaafay madama uu keydka ka galay kooxda inkastoo kooxda Los Blancos-ka aysan ka hadlin dalabka Arsenal hadana David Moyes oo doonaya inuu isbadal weyn sameeyo ayaa doonaya inuu Arsenal kula dagaalamo helista Isco.
21-jirkaan ayaa dhawaan kusoo biiray Real Madrid wuxuuna kasoo tagay kooxda Malaga ee haatan kaalmaha hoose u dhacday wuxuuna diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo kooxdii uu ka helaayo boos joogto ah si uu xulka qaranka badal ugu noqdo Xavi Hernandez.
Si Kastaba labadaan kooxood ayaa qiimaha xidigaan soo bandhigay waxeyna doonayaan iney Premier League ku geeyaan 30 Malyan Oo Euro.
Isco ayaa kursiga keydka galay madama Luka Modric uu muujiyay awood dheeri ah taasoo ay sii dheer tahay in Sami Khedira uu dhawaan soo bogsoon doono waxaana ceel kusii dhici doona rajada uu xidigaan ka leeyahay safka hore ee Real Madrid inkastoo dooqa uu leeyahay macalinka.