Monday, March 3, 2014

War-Deg-Deg Ah Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Eng Saylici Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Si Diiran Goor Dhaw Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorama.


images715Boorama-(GNA)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici” iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaw si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama,waxaana dad badan oo soo dhawaynayay kaga hortageen duleedka Magaalada.




Ka dib markii uu soo galay Magaalada Boorama waxa uu madaxwayne ku xigeenka iyo waftigii uu hogaaminayay u leexdeeen ceelal biyoodyo xadhiga laga jarayay oo ku yaala barriga magaalada Boorama halkaas oo ay ku sugnaayeen dadwayne tiro badan iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkada Adeegyada Bulshada Ee Shabba.




Waxaana halkaas hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ah ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii soo dhawaysay Madaxwayne ku xigeenka ugu danbayna waxaa halkaas ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka waxa uuna u mahadnaqay dadwaynaha soo dhaweeyay iyo hay’adii ceel biyoodkan qoday.




Warka munaasabadan xadhig ka jarka oo dhamaystiran iyo soo dhawaynta Waftiga Madaxwayne Ku Xigeenka Fillo goor Dhaw  hadii uu alla idmo.




Gobanimo news.com




Mustafe caraale




Borama office