Tuesday, March 4, 2014

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Borama+Sawiro


Borama(GNA)  Waxa maanta magaalada Borama soo gaadhay wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaaciil Saylici.




Waxaana ku wehelinaya waftiga madaxwayne xigeenka  xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somaliland oo ay ka mid ahaa yeen wasiirka wasaarada tamarta iyo biyaha Somaliland , iyo wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada Cismaan Saxardiid  iyo saraakiil kale oo katirsan xukuumada.




Ka hor in tii aanu soo gaadhin madaxwayne xigeenku waxa duleedka magaalada Borama ku soo dhaweeyey maamulka gobolka iyo kan degmada Borama oo ay welheliyaan  ku manaan dadwayne ah ku waasi oo iskugu jira salaadiin, culimaa u diinka, waxgaradka , haweenka iyo dadwayne kale oo aad u fara badan ku waasi oo muujiyay ixtiraamka madaxdooda ay u hayaan.




Markii uu madaxwayne ku xigeenku soo gaadhay magaalada Borama waxa uu xadhiga ka jaray labo ceel biyood oo dhawaan laga hir galiyay duleedka Koonfureed ee Shaylaha Borama ceelashan oo ay qodniin kooda ay maal galisay dalka KUWAYT isla markaasina ay balaadhisay shirkada SHABA ee adeega korontada. Madaxwayne ku xigeenku waxa uu halkaasi ku soo kor meeray waxaanu halkaasi warbixin kaga dhagaystay gudoomiyaha shirkada SHABA iyo wakiilka dawlada Kuwayt ay u xilsaaratay qodista ceelasha , kuwaasi tilmaamay ahmiyada ay ceelashani u leeyihiin adeega biyaha Borama




Kadib madaxwayne ku xigeenka iyo waftiga uu hogaaminayo waxa loo soo gal biyey dhinaca Hutel Rays.




Hadalo kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen madaxda dawlada hoose iyo maamulka gobolka Awdal ayay kaga war bixiyeen xaalada geed ee gobolka iyo deegaanka .




Salaadiinta , pro Sulayman Axmed Guled , Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar , ayaa iyaguna halkaasi kahadlay waxaanay ka warameen dareenka shacabka .




Gabagabadii ayaa madaxwayne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu halkaasi uga mahad Celiyay dadwaynaha sida wanaagsan u soo dhaweeyey waxaanu u rajeeyey shacabka barwaaqo iyo horu mar.




Si kastaba ahaate shirkada shaba ee biyaha borama ayaa waxa ay noqotay mid ku guulaysatay in ay bulshada reer borama ay ka hagab tirto baahida biyaha iyada oo dhinaca kalena ku guulaystay in ay biyo balaadhin ay ka samayso guud ahaanba  xafada kale duwan ee ay magaalada borama ay ka kooban tahay




Gobanimo news.com




Mustafe caraale




Boorama-Office-Somaliland




Soo Dhawayntii Saylici  (6) Soo Dhawayntii Saylici  (5) Soo Dhawayntii Saylici  (4) Soo Dhawayntii Saylici  (3) Soo Dhawayntii Saylici  (1) SAM_0506 SAM_0377Soo Dhawayntii Saylici  (15)




Soo Dhawayntii Saylici  (26) Soo Dhawayntii Saylici  (25) Soo Dhawayntii Saylici  (24) Soo Dhawayntii Saylici  (23)Soo Dhawayntii Saylici  (22) Soo Dhawayntii Saylici  (21) Soo Dhawayntii Saylici  (20) Soo Dhawayntii Saylici  (19)Soo Dhawayntii Saylici  (18) Soo Dhawayntii Saylici  (17) Soo Dhawayntii Saylici  (16) Soo Dhawayntii Saylici  (15)Soo Dhawayntii Saylici  (14) Soo Dhawayntii Saylici  (13) Soo Dhawayntii Saylici  (12) Soo Dhawayntii Saylici  (11)Soo Dhawayntii Saylici  (10) Soo Dhawayntii Saylici  (9) Soo Dhawayntii Saylici  (8)