Tuesday, March 4, 2014

Diiwaan-gelin Muqlaysan.By: Xuseen B. Maax


xuseenDalkan Jamhuuriyada Somaliland dadkiisu waxay xasiloonida,nabada iyo dawladnimada ku gaadheen geed hoostii ayagoon u baahan daasad la hoos dhigto reer galbeedka.Shacabka oo heerkan aynu maanta taaganahay ka liita dhaqaale ahaan ayaa hadana horumarkan aynu ku naaloonayno dalka gaadhsiiyay.




Hadaba xukuumadan faan badan ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Axmed-siiraanyo waxay bartay shacabka inay-naan waxba qabsan Karin oo ay-naan talaabo qaadi Karin ilaa ay reer galbeedku dawarsiga inna soo gaadhsiiyaan.Waa aragtida keentay mar kasta in doorashooyinka lagu xidho ogolaan-shaha dawirsi ee reer galbeedku bixiyo.Miyay-naan innagu qabsan Karin oo aynaan ka maarmi Karin taageerada ay ku lingaxantahay danaha reer galbeed ee ay Soomaaliya ka leeyihiin.Maxaa isku xidhay horumarinta Soomaaliya iyo horumarinta J.Somaliland.Waxa la yidhi (Timir laf baa ku jirta).




Xukuumadan faan badan waxa ay gabashadan iyo dhuumashadan dhabarku muuqdo u dhex dabaalaynayso una soo gabaara-gurdaynaysaa sidii ay mar labaad ugu guulaysan lahayd doorashada  madaxtooyada ee ay jidkii sirta badnaa u sii diyaarsan lahayd.Hadii taa la waayana ay muddada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loogu kordhin lahaa.Maalintii dhowayd ee ay xukuumadu kursiga cirro ku duushay waxay uga dan lahayd inuu cirro ogolaado kordhinta xukuumadu soo xambaar-santahay.Dayr-kaana way ka gudubtay xukuumada faan badan.Waxa ugu xiga sidii ay doorashada madaxtooyada iyo tii wakiilada isu barkin lahayd.Waxaanay bilawday inay tidhaa(Keligay ayaa dheriga dhuraha daraya).




Taa waxa cadayn u ah labada(2da) guddi ee Kulmiyey-san isla markaana degaa-naysan ee loo magacaabay diiwaan gelinta dhaqaalaha looga raadinayo reer galbeedka xafiisyada ku leh dalka Kenya hadana diiday inay xafiisyo dalkan J.Somaliland.Bal hada dhab ugu fiirso labada liis ee gudiyada isbarkan ee laga magacaabay! Badhtamaha Gobolka maroodi jeex,gobolka hawd,degaanka gaaroodi,salal iyo saraar intuba waa ka dibada.Hadana waxay leedahay xukuumada faan badan waa diiwaan gelin dalka oo dhan laga samayn doono!Waa halka ay khiyaamada dacawada ee ay xukuumada faan badan ugu talo gashay inay ka fuliso.Goobaha iyo farac-yadooda diiwaan gelinta ayaa lagu yarayn doonaa goboladaa aan kor ku xusay.Si ay u yaraadaan diiwaan gelinta danbe ee codbixiyayaasha.Waa qorshe lagu curyaaminaayo degaanada ay xukuumada faan badan u filayso mucaaridku inay taageerayaal badan ku leeyihiin.Waxa kale oo ay xukuumada faan badan carqalad gelinaysaa oo ay kariirad hor dhigtay xadaynta caasimada iyo xadaynta gobolka maroodi jeex oo ah degaanka dalka ugu codka badan.




 




 




 




Hadaba waxa shacabka looga digayaa khiyaamooyinka ay xukuumada faan badan ku gadaantay diiwaan gelintan muqlaysan iyo warancade oo ku shaqaynaya sheekada dhan-xiir(Wadani+Kulmiye).




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL