Saturday, March 1, 2014

Maansada Saluug iyo Abwaan Maxamed Axmed Muuse


MaxamedMansadani waxay ka turjumaysa wayaaha  nolasha umadda soomaliyeed iyo sida loogu xeel dheeradaay balwada iyo jeclaansha umaddaha shishisheeye Kuwaasoo dhibaato xoog leh in soo mariyey iyo siday umaddu u ilawday iyo  jeclaansha dhulka ay dadku si xoog leh u jecele yhiin kaasoo aad maqlayeyso maalin walba dhibaatada ka tagaan.




Waayuhu sirgacanaa,




 




Silanaa qadhaadhaa,




 




Kaman aanan sidan jirin,




 




Waxan garabka ii sudhay,




 




Sir weeyaan layaab lehe,




 




Ma jacayl  I saaqoo,




 




Sambabadiyo beerkiyo,




 




Xididada sulaaqoo,




 




Si xun ii haleelaa?




 




Mise waa jibiyo saar?




 




Aan saafoo maashoo,




 




Siday tahay u sheegee,




 




Saxaroow war iga  hoo;




 




Adduunyadu sideedaba,




 




Way surucya badantoo,




 




Si uun maaha waligeed,




 




Hayeeshe samiyo xumo,




 




Suudiga iyo barafkaba,




 




Eebaa sameeyoo,




 




Kii aad ku sugan tahay,




 




Waa in aad ku samirtaa,




Wixii aad sar gooyiyo,




Calaf eebe ku sugay,




 




Kolna seegi mayside,




 




Ha sindhidhin addoonoow,




 




Sidii aad ku timid garo,




 




Sidkii hooyaadaa baad,




 




Sagaal bil iyo dhiidhii,




 




Ku sugnay diciifoow,




 




Siliciyo dhibtii eeg,




 




Saxariirkii dheeraa,




 




Sodonkii kadeed eed,




 




Ku samaysay hooyiyo,




 




Saxaradii badnaydeed,




 




Sinta iyo dhabteedaba,




 




Suuliga uga dhigatiyo,




 




Eeg samafalkeedii,




 




Salalkii badnaayee,




 




Hurda ay ka soontiyo,




 




Bal sabaalihii eeg,




 




Adigoo sidaa saad,




 




Sanka taagaysaayood,




 




Waayaha saluugtaa.




 




 




 




Samayskaagu wuxuu yahay,




 




Horta soo ogowoo,




 




Sababtaad u timid garo,




 




Ka jawaab sulaaha,




 




Eebe ku sameeyee,




 




Dunida ugu sugan tahay,




 




Soo baadh war celintana,




 




Marka xigana suluboow,




 




Saaxiib yaad ka dhigataa,




 




Yaa sabbo kugulo nool,




 




Sayid kaagu waa kuma,




 




Saddex daa su’aalood,




 




Aan sifeeyo caawoo,




 




Runta ku suntee maqal;




 




Sigaar yacab qadhmuunoo,




 




Sufuudhiyo urtiisana,




 




Geelu uu ku suuxoo,




 




Samihiyo wanaagana,




 




Laga saaray geed dheer,




 




Salad iyo ka tagay soon,




 




Waligii sumuli bixin,




 




Kaa saad sadiiq iyo,




 




Sama wade ka dhigataa.




 




 




 




Aan sidii wade suga samra hayga




 




Daalina hay saluugin guudlow,




 




Surma seegto malihiye,




 




Doqmo sararo weynoo,




 




Shafka iyo sakaarkuna,




 




Soo buuran yiinoo,




 




Sumalada sidoodii,




 




Sidi karila macashii,




 




Siday dunidu tahay iyo




 




Saaka iyo duugana,




 




Kala saari Karin baad,




 




Sabbo kugula nooloo,




 




Kuwaa saad sokeeyiyo,




 




Samadh aad ka dhigataa.




 




 




 




Murtidaan sifeeyeen,




 




Soo haadshay guudloow,




 




Sii fiiri siday tahay,




 




Saaxiibul garaadoow,




 




Solo iyo si dalagtaba,




 




Ka ilaashay soofkee,




 




Aan sii wade suga,




 




Samara hayga daalina,




 




Surma seegto malihiye,




 




Suubanoow rasuulkiisoo diray ilaahay,




 




Subxaanoow tacaalee umadii saluugtee




 




Ku sifaysay faal iyo saaxir wade inuu yahay,




 




Sida uu quraankaba saatir ku sheegay,




 




Naartii saciiray dhex suquufi doonaan,




 




Halkaasaa sabiyo hoy saldhig looga dhigayaa,




 




Markaasay sax iyo khalad kala saari doonaan,




 




Suubuuroow dib noo celi aanu kuu sujuudnee,




 




Sidaasay dhahayaan sacab timo leh weeyoo,




 




Suuroobi maysee hoygaa




 




Saciiray ku sugnaanayaanoo,




 




Saniin ay ku jirayaan, soomali kaasaad




 




Sidii xoolohoo kale sii daba sunsumaysaan,




 




Sida ay falaan baad siqiir iyo kabiirkiin




 




aad kadaba samaysaan,




 




Soodhkiyo birtuun baad sambaba ku  goysaa




 




kii khayrka kuu siday,




 




Seeftii afweyn baad walaalkaa u sidataa,




 




Subaxii iftiimaba surka goo is leedahay




 




seeraha ha dhafee,




 




Baloodh saancad qaba baad




 




Kii dad kuugu soo xigay ku sadqaynaysaayoo,




 




Akee samaan neceb sur lagooyo mayo




 




walaalkaa u sidataa,




 




Allahayoow samaantiyo saxa iyo wanaagaba




 




samadoow na garansii,




 




Umadaa siloonkee ka sal guurtay diintee




 




Soofdaran halawga ah soo haddee allahayoow,




 




Dhalintaa sigaarkiyo saqidiinta noqotee,




 




Saanyadaysa gaalada soo hanuuni eeboow.




 




aamiin   aaamiin…………