Saturday, March 1, 2014

Xukuumadda oo Wasiirro u dirtay Saraar Xili xeedho iyo Fandhaalo kala dhaceen


CalisiciidBurco(GNA)-Wefti Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa lagu waddaa inay Caawa gaadhaan  Deegaamada Gobolka Saraar, halkaasoo dilal soo noqnoqday iyo xaalado amni daro ka taagnaayeen ilaa sanadkii hore.




Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa xubno ka ah Siday Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawladdu, Wasiirrada Ciyaaraha, Duulista Hawadda iyo Wasiirka Hawlaha guud.XAASHI




Qorshaha Safarkooda ku aadan deegaamada Gobolka ayaa lagu sheegay soo afjarida xiisaddo deegaan oo muddo ka hor ka dhacday Soohdinta u dhaxaysa Gobollada Sool iyo Saraar iyo dilal kale oo ka dhacay gobolka bilihii u dambeeyay ee sanadkii tegay.




Dabayaaqadii bishii Feberaury ee la soo dhaafay ayaa Nin Reer Miyi ah lagu dilay Deegaanka Gorayo Xangeeyo oo dhinac Waqooyi kaga beegan Degmada Caynabo.




Dhinaca kale, bishii Janaury ayaa lagu dilay Degmada Oog Nin Ganacsade ah oo aad looga qadariyo Gobolka Saraar, kaasoo gacan ku dhiiglihii dilay dhawaan la soo qabtay.




Sidoo kale, isla bishii Janaury iska hor-imaad beeleed ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta Degmada Adhi-caddeeye oo ka dhinaca Gobolka Saraar raacsan,iska hor-imaadkaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaadhay.Hawlaha gud




Wasiirradan ayaa waajahaya xalin mushkiladaha amni daro ee Gobolka ka jira oo ay Bulshadu muddo dheer walaac ka qabtay, kuwaasoo lagu eedeynayay Hay’addaha amaanka Gobolka oo gaabis noqday.




Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Dawladda ee Gobolka Saraar, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in weftigani maanta gelinka dambe soo gaadhayaan Degmada Caynabo.




Ma cadda waxay ka qaban doonaan arrimahan gobolka ka jira, hase ahaatee xogogaal u noqoshada xaalada ayaa u muuqata mid wax badan bulshada ugu fadhida.




Wasiirrada Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa labadooduba ka soo jeeda Deegaamada Gobolka, waxaana wali sugaya wax ka qabashada Dilkii Taliyihii Gobolka Saraar ee sanadkii la soo dhaafay, kaasoo aan ilaa hada wax heshiis ah laga gaadhin dilkiisa.




Inkasta oo muddo ka hor la doonayay in qaab dhaqan lagu xaliyo, kana wada hadleen Ergo Dhaqan oo Gobolladda Sanaag iyo Togdheer arrinta kaga soo baxay iyo Deegaanka uu ka soo jeedday.




Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda oo muddo dheer lagu dhaliilayo inay indhaha ka qarsanayso falalka gobolka ka dhacay , ayaa u muuqata inay xili xeedho iyo fandhaalo kala dhaceen waajahayso xiisaddo ishuwan oo muddo soo jiitamayay.




Gobanimonews




Burco Office