Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo ayaa xarunta Maamulka Gobolka Togdheer kula kulmay qoyska uu ka soo jeeday Taliyihii Bilayska Degamada Xaaji Saalax oo todobaadkii hore la dilay.
Weftiga ayaa jifada Marxuumka kala hadlay sidii ay ilaalinta nabad-gelyada iyo inaan wax dambi dhicin qayb uga qaadan lahaayeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la soo qabanayo gacan ku-dhiigleyaashii fuliyay dilka.
Sidaasi darteed loo baahanyahay inaanay wax talaabo ah qaadin qoyska dhibaneyaashu.
Halkan ka Daawo:
http://www.youtube.com/watch?v=DhEp7I50XbE